Tirada xildhibaanada oo isku dhow iyo saxaafadda oo banaanka loo saarey

Image

November 24, 2014 (GO)- Wararka naga soo gaaraya hoolka shirarka ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka ayaa sheegaya inay isku dhowdahay tirada xildhibaanada mooshinka diidan iyo kuwa soo gudbiyey ee soo xaadiray fadhiga maanta.

Dhanka kale fowdo iyo buuq ayaa weli kasii soconaya xarunta baarlamaanka iyadoo la arki karo tobanaan boolis ah oo goobta ku sugan si hadii xaaladu faraha ka baxdo ay u xakameeyaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaan weli soo gaarin xarunta baarlamaanka iyadoo qorshuhu ahaa inuu yimaado marka saacadda geeska Afrikada bari tahay 9:000 subaxnimo.

Jawaari oo maalmo kahor warbaahinta la hadley wuxuu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono xildhibaankii isku daya inuu kulanka maanta fowdeeyo.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM