Toogasho iyo qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dil iyo qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ugu horeyn, dabley bastoolado ku hubeysan ayaa isgoyska Maanabooliyo, dhinaca degmada Boondheere ku dilay Haweeney, fiidnimadii Arbacadda.

Marxuumada oo magaceeda lagu sheegay Baxsan Boollay ayaa la tilmaamay in ay kamid ahayd ergadii soo xulay xildhibaanada Gollaha Shacabka ee baarlamaanka 10aad.

Xogaha laga helay shaqsiga Baxsan ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale horey u soo noqotay gudoomiye Waaxeed degmadaasi ka tirsanaa.

"Meel ku dhow gurigeeda ayaa lagu toogtay…raggii falka geystay oo gaari nooxa raaxada ah watay way baxsadeen," ayuu masuul ka tirsan degmada.

Geesta kale, qarax ka dhashay Miino ayaa xaafada Galmudug ee degmada Dayniile, duleedka Muqdisho lagu eegtay gaari Cabdi Bile ah, xalay oo Arbaco ahayd.

Illo-wareedyo ayaa u xaqiijiyay warsidaha Garowe Online in gaariga ay saarnaayeen askar ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ugu yaraan hal askar ayaa ku geeriyooday, halka labo kale iyo qof dumar ah oo wadada mareysay ay ku dhaawacmeen.

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in gaariga uu kasoo baxay gudaha caasimada uu kusii jeeday saldhiga booliska xaafadaasi.

Wali ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaan oo kasoo baxay hay’addaha nabad-gelyada ee Soomaaliya.

Falalkaan oo qeyb ka ah kuwa maalmihii u dambeeyay soo kordhayay oo aanan cidna loosoo qaban ayaa imaanaya iyada amniga uu faraha kasii baxayo.

Horaantii todobaadkaan ayay ahayd markii maamulka gobolka Banaadir uu soo bandhigay 3 qof oo la sheegay in Al-Shababa ka tirsan yihiin kuwaasi oo ku fashilmay isku day ay ku khaarijin rabeen haweenay ergo ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM