Trump oo saxiixay amar fulineed oo saameynaya Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaadkaan saxiixay amar fulineed oo lagu sii kordhinayo shaacinta degdega ee madaxtooyada kuna aadan walaaca Soomaaliya taasi oo soconeysa muddo hal sano ah.

Tani ayaa kusoo aadaysa iyada oo wadankaasi uu ku sugan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo dhinacyada uu la kulmay ay kamid tahay wasiirka gaashaandhiga dalkaasi.

Mareykanka ayaa ka caawiya Soomaaliya la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab oo la rumeysan yahay in ay tahay khatarta ugu wayn ee amniga qaranka, taasi oo fulisa weeraro dhiig badan lagu daadiyo.

Sidda ku cad amarka fulineed ee uu qalinka ku jiiday Madaxwayne Donald Trump, xoogaga xiriirka la leh ururwaynaha Al-Qaacida ayaa "khatar aan caadi ahayn iyo mid balaaran ah ku ah Mareykanka."

In ka badan 500 askari Ameerikaan ah ayaa Soomaaliya ku sugan kuwaasi oo howlaha ay fuliyaan kamid tahay tababarida ciidan Soomaaliyeed oo ku wehliya howlgalada gaarka ah.

Washington ayaa haatan maamusha ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano DANAB, kuwaasi oo tiradooda haatan lagu sheegay in ay gaareyso 500, balse qorshuhu yahay in la sii kordhiyo.

Bilooyin kadib markii uu xafiiska la wareegay, Trump ayaa soo saarey amarkii fulineed ee ugu horeysay kaasi oo faraya ciidanka Mareykanka in ay ka fulin karaa duqeymaha gudaha Soomaaliya ogolaanshiyo la’aan.

Talaabadaasi oo ka dhaliilay ayaa dhalisay kordhaan duqeymaha Mareykanka oo sanadkaan kaliya maraya 30 weerar dhinaca cirka ah, kuwaasi oo lagu khaarijiyay 255 kamid ahaa maleyshiyaadka Shabaab.

Duqeymaha qaar ee uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya ayaa sababay waxyeelo dad shacab ah soo gaara, iyada oo ay ugu dambeysay howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose.

Amarka fulineed ee uu saxiixay ayaa imaanaya iyada oo xukuumada Farmaajo ay wado dadaalo ay gobolada ay haatan maamusho Al-Shabaab uga saareyso kahor doorashada soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM