Tuhun ka dhashay eray bixinta Mareykanka ee duqeymaha Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka ayaa todobaadyadii u dambeeyay kordhiyey duqeymaha dhanka cirka ee uu guud ahaan Soomaaliya kula beegsanayo maleyshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab.

Ku dhowaad tobban dagaalame ayaa looga dilay kooxahaasi howlgalo uu Mareykanka isbuucyadii lasoo dhaafay ka geystay gobolada Bari iyo Shabeellaha Hoose, oo ka kala tirsan Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Taliska Mareykanka ee Afrika waa kan kaliya ee fahfaahinta duqeymahaasi si shaax-baxsay bulshada ugu soo bandhigta, iyaga oo soo marinaya war-saxaafadeed sadaro kamida aanan waxba laga bedelin.

Balse sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo kordhay bayaanada eray bixin cusub, taasi oo su'aalo iyo tuhunba ay geliyeen qaar kamida dadka ka faaloda arrimaha amaanka ee ku nool Soomaaliya iyo caalamka.

Eraygaasi ayaa wuxuu yahay "degrade" halka ay joojiyeen adeegsiga erayga "defeat" oo ay kolkii horey u is-ticmaali jireen ciwaanka war-saxaafadeedka lagu soo bandhigayo khasaaraha gulufyada cirka ah.

Dadka aqoonta u leh luqada naxwaha Ingiriiska ayaa erayga "degrade" macneeyay in uu yahay "yareyn/dhimis". Si lamida erayga kale ee ah "defeat" uu yahay "jebin/ka takhalusid". Farqi weyn ayaana u dhaxeeya, dabcan.

War-saxaafadeedyadda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegayaa in ujeedooyinka duqeymaha ay kaliya yihiin "olale xadidan iyo mid argagixisada carqalad looga gelinayo aag xor ah oo ay dhaqdhaqaaq ku sameeyaan".

"Baabi'inta hogaamiyeyaasha shabakada," waa nuqul yar oo kamida war-saxaafadeedyadda AFRICOM, si gaar ah markay soo saarayaan fahfaahinta howlgalada ka dhanka ah Daacishta Soomaaliya.

Isaga oo la hadlayey Guddiga Ciidamada ee Aqalka Sare, taliyaha AFRICOM, Thomas Waldhauser, wuxuu si cad u qeexay in duqeymaha ay ugu talogaleen ku taageerida dowlada Soomaaliya ee la halgalemesa dagaalka Al-Shabaab.

Waldhauser ayaa sidoo kale intaasi raaciyey in hadafka duqeymaha uu yahay in dowladda dib u hanato goobaha ay AlShabaab qabsatay, wuxuuse meesha ka saarey in ahmiyada koowaad tahay jebinta kooxdaasi.

"Aakhiritaankii duqeymahaasi maalina ma jebin karaa Al-Shabaab, balse waxay yihiin kuwa dowlada iyo ciidamada soo koraya ee Soomaaliya ku xaqiijin karaa amniga dalkooda," ayuu xusay.

Mareykanka ayaa dagaalka argagixisada Soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay in ka badan tobban sano wallow aysan muuqan guul la taaban karo oo tan iyo xiligaasi uu ka sameeyay marka laga reebo in colaadu sii badaneyso.

"Waanu ognahay in [duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab] ay sababaan dhibaatooyin, waanu oganahay in niyad-jab abuurayaan. Taasi waa su'aal u furan si xad ah," ayuu hoosta ka xariiqay.

Inkasta oo ay jiraan howlgalada Mareykanka, Al-Shabaab oo si wax ku ool ah u joogteysay xagjirnimadeeda ayaa maamusho tuuooyinka baadiyaha ee bartamaha iyo koonfurta wadanka, waxayna halis ku tahay magaalooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM