Turkiga oo xaalufinaya mashaariicda ilaha dhaqaalaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkada Turkiga laga leeyahay ee Albayrak iyo Dowlada Soomaaliya ayaa todobaadkii hore qalinka ku duugay heshiis shirkada siinaya 14-sano cusub oo ay ku maamusho dekada magaalada Muqdisho.

Munaasabada saxiixa oo magaala madaxda Muqdisho lagu qabtay ayaa daba socdey wadahadalo dib loogu eegay saami-qeybsiga dhinacyada.

Sii-haayaha Wasiirkada Dekada Soomaaliya, Maryam Aweys Jaamac oo heshiiska saxiixdey ayaa sheegtay in Albayrak ay si gooni ah u maamuli doonto adeegyada kala duwan ee ay fidiso marsada ku taala caasimada Soomaaliya.

Heshiiskii hore oo qalinka lagu duugay 2013-kii ayaa xeerinayey in shirkadda gacanta ku hayneyso 20 sano balse waxaa dib loogu laabtey sabab ku aadan dib-qaabeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya.

"Heshiiska cusub waxaa qeyb ka ah maalgelin dhan 50 milyan oo Doolar taasoo muddo shan sano ah dib loogu dayactirayo dekada iyaddoo uu sii kordhayo ganacsiga," ayay ka sheegtay munaasabada oo uu goobjoog ka ahaa Sii-haayaha Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Xuseen Guuleed.

Garoonka diyaaradaha

Turkidu kaliya gacanta kuma hayaan dekada Muqdisho. Isla sidaas oo kale, garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan waxaa dayactirtay oo maamuleysa shirkada reer Turki ee lagu magacaabo Favori LLC.

Bishii October, 2019, howlgal uu horkacayey Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta, ayaa booqdey Ankara, caasimada Turkiga. Wuxuu la fariistay maalgashato Turki ah kana mida Golaha Ganacsiga labada dal.

Madaxa golahaas, Ahmet Sami Isler, ayaa war-fidiyeenka u sheegay: "Annaga, hadii aan nahay dadka ganacsatada ah, waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb-qaadano sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya".

Wargeyska reer Turkish, Daily Sabaax, ayaa wariyey in Soomaaliya ay heshay mashaariicyo dhaqaale, ganacsi iyo amni kuwaasoo ay fuliyeen ganacsato Turki ah iyo hay'addo dowladeed oo hoostaga xukuumadda Recep Erdogan.

Mashaariicda kale

Sanadkii 201, ra'iisul wasaarihii hore ee Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in waddankiisa uu maalgelinayo Soomaaliya kadib macluul.

Mr Erdogan ayaa tibaaxay in sidoo kale ay ku caawin doonan dhismaha waddooyin iyo kalluumeysatada ayna maalgelin fiican sameynayan.

Socdaalkaas uu Erdogan ku yimid Soomaaliya wuxuu kusoo jeediyey indhaha caalamka wuxuuna fure u noqdey kaalmooyin kale oo aad u culus.

Turkida ayaa u tababaray Soomaaliya ciidamo kumaandoos ah waxaana ay ka dhisteen Mudisho saldhiga ciidan midka ugu balaaran oo ay ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda iyo safaaradooda ugu weyn guud ahaan qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM