Ugaaska Xasan oo looga yeeray Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ugaas guud ee Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif,  ayaa maanta gaarey magaalada Muqdishu xilli uu Ra'iisul wasaare Khyere waddo wadatashiyo ku aadan dhisamaha Xukuumadiisa cusub halkaas ka waday.

Ugaas Xasan ayaa looga yeeray Muqdishu, si uu ula kulmo Madaxda sare ee dalka oo Madaxweyne Farmaajo uu kamid yahay, waxaana arrimaha lagala hadli doono kamid ah inuu taageero Hir-Shabelle.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay si gaar ah u kulmii doonaan Xildhibaanada kasoo jeedo gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa beeshiisa oo kala tashanayo Wasiirrada ay ku yeelan doonaan Golaha Xukuumadda Somalia.

Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa Ugaasyada beelaha Soomaaliyeed waxa uu kulamo kala yeelanayaa Golahiisa Wasiirada cusub, maadaama dalka uu wax ku qeybsanayo Hanaanka qabiika ee (4.5).

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu dhex-dhexaadin kawadaa Ahlu Sunna iyo Galmudug, sidoo kalena waxa uu doonaa inuu soo afjaro Khilaafka Ugaas Khaliif iyo Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle State.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney caan ka ah baraha bulshada oo shil gaaray ugu geeriyootay dalka Kenya

Dad badan ayaa baraha bulshada uga falceliyay geerada naxdinta leh.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 12:08PM

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heshay Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya

Shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa si weyn looga soo horjeestay Itoobiya.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:44AM