UN-ka iyo Midowga Yurub oo baaq kasoo saarey dhacdadii Gololey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo war-saxaafadeedyo kala duwan soo saarey ayaa baaq deg-deg ah kaso jeediyey dhacdadii degaanka Gololey ee lagu laayey sideedda ruux.

Adam Abdelmoula, ku xigeenka ergayga gaarka ah ee UN-ka u fadhiya Muqdisho, ayaa xoojiyey baaritaan deg-deg ah oo lagu sameeyay falkaas foosha oo uu sheegay in ay cambaareynayo.

Sideedda qof oo shalay meydadkooda laga helay tuuladaas oo 8 KM u jirta degmadda Balcad ayaa todoba kamid ah ahaa xirfadlayaal caafimaad, halka qofka kale uu ahaa mid shacab ah.

"Ficilkan fuleynimada ah kama horjoogsan doono kuwa ka shaqeeya arrimaha bina-aadamnimada howlgalkooda. Halyeeyadan waxay naftooda u hureen sidii ay MCH ugu gaarsiin lahaayeen hooyooyinka iyo carruurta. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska murugeysan," ayuu ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey diblumaasiga u dhashay Suudaan.

Dhankiisa, Nicolas Berlanga, wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in uu si xoogan u cambaareynayo "xasuuqaas loo geystay dhalinyarada".

"Bulsho laguma dhisi karo musiibo iyo kala aragti duwanaan ay ku waynayaan kuwa u adeegaya iyaga," ayuu danjiraha hadalkiisa raaciyey.

Warar is-burinaya

Marxuumiinta ayaa laga qafaashay degaanka maalin kahor inta aan la helin meydadkooda. Illaa iyo haatan, lama ogga cidda ka dambeysay khaarijintooda, balse waxaa laga faafiyey warar kala duwan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa la xiriiriyey Ciidamadda Xoogga. Hase ahaatee, saraakiil u hadlay ciidanka waxay si adag isaga fogeeyeen eedeyntaas.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in falalka noocaan ah looga bartay kooxaha argagixisada ah ayaa tibaaxday in baaritaan deg-deg ah ay ku sameyn doonan "ficilka argagaxa leh".

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku aadan sheegashooyinkaan oo kasoo baxay dhanka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Eheladda marxuumiinta oo meydadkooda lagu waramay in laga dejiyey Muqdisho ayaa codsaday in ay cadaalad ku helaan sidda ugu dhaqsiyaha badan, iyagoo dowladda ku tartarsiiyey in ay dedejiso baaritaanka.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada caalamka ee dilaka shacabka, wariyeyaasha, xirfadlayaasha caafimaadka iyo dadka wax-galka u ah bulshadda ay kula beegsadaan argagixisada iyo kooxo aan la aqoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM