Baaqyo ka dhan ah ciidanka Itoobiya ee kamid ahayn AMISOM oo la diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saarey ciidamada Itoobiya ee kamid ahayn AMISOM ee jooga qaybo kamid ah dalka.

Dhinacyadda ku mideysan qoraalkan uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa kala ah; Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir, Isbabeysiga Xisbiyada Hiigsi iyo Isbaheysiga Isbeddel doonka 1-da Luulyo.

Ugu horeyntii, waxay walaac aad u xoogan ka muujiyeen joogitaanka ciidamaddan oo ay sheegeen "in ay dhibaatooyin kala duwan geystaan"

Ciidamadan aan kamid ahayn howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ayay ku caddeeyeen bayaanka in ay u arkaan "kuwa duulaan soo qaadey".

Xilli ay fahfaahin ka bixinayeen dhibaatooyinka ay ku eedeeyeen, waxay tusaalooyin u soo qaateen dhacdooyin ay ku lug-yeesheen oo ka kala dhacay Berdaale oo diyaarad lagu soo diray iyo gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayay carabka ku adkeeyeen in "hadafka" loo geeyay ciidamadda Itoobiyaanka ah ay tahay "xasilooni daro ka abuuris iyo kala furfuridda maamulka Jubaland".

Sidoo kale, waxay xuseen in ujeedada dalka loogu soo daabulayo ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM ay tahay "faragelinta doorashooyinka soo aadan iyo cabsi-gelinta mucaaradka".

Hogaanka taliska AMISOM ayay ku eedeeyeen in uu ku guuldareystay ilaalinta sumcadda howlgalkooda "kadib markii ay ku lug-yeeshay dedaaladii xilka looga qaadey afhayeenkii hore ee baarlamaanka".

Baaq

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya - labadiisa gole - ayay cod dheer uga dalbadeen in ay baaritaano ku sameeyaan faragelinta ciidamadda aan kamid ahayn AMISOM ee Itoobiya iyo shilkii diyaaradeed ee Berdaale.

Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayay sidoo kale cod dheer kaga codsadeen in uu dib u eegis ku sameeyo "faragelinta sharci daradda ah ee ciidamadda Itoobiya kawadaan Soomaaliya taas oo waxyeeleyneysa sumcadda howlgalka AMISOM".

Si lamid ah golaha ammaanka Qaramadda Midoobay ayay ku booriyeen in uu baaro "joogitaanka sii kordheysa ee ciidamadda Itoobiya gudaha Soomaaliya taas oo xadgudub ku ah qaraarka 733 ee soo baxay 1999 kuna saabsan cunaqabateynta hubka Soomaaliya".

Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika ayay ku tartarsiiyeen in uu xilka ka qaado ergaygiisa Soomaaliya kuna bedelo diblumaasi waaya arag ah kaasoo waajibaadkiisa u gudan kara si miradhal ah.

Ugu dambeyntii, Soomaalida ayay ku waaniyeen in ay difaacdaan dalkooda isla markaana ay iska caabiyaan faragelinta sharci-daradda ah ee Ciidamadda Itoobiya ay ku hayaan wadajirka iyo madax-banaanida waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM