UN-ka oo Villa Somalia ka dalbaday inay jawaabo ka bixiso xariga Roobow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka inay jawaabo ka bixiso xariga Mukhtaar Roobow iyo hadii ciidamada DF ee uu UN-ka taageero ay ku lug lahaayeen.

Haysom ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo inay sharaxaad waafi ah ka bixiso dilka 15 qof oo shacab ah oo ciidamada Booliska ku toogteen Baydhabo 13-kii bishii December iyo xariga 300 oo ruux oo carruur u badan.

Ergayga QM Nickolas Haysom ayaa warqad qoraal ah oo uu u diray Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow lagu waydiiyay tallaabada la qaadey ee lagu baarayo dilalka dadka shacabka ay ciidamada ugu geysteen Baydhabo intii ay socdeen dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaaladaasi intii u dhaxaysay 13-kii illaa 15-kii December.

Waxaa dhanka kale Wasiir Islow wax laga waydiiyay sharciga loo maray xariga Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Musharaxiintii Koonfur Galbeed, kaasoo wali wax dacwad ah lagu soo oogin, iyadoo tani ay dhaawacayso sharuucda dalka.

- Beesha Caalamka oo taageeradda ka joojisay Booliska KG -

Haysom ayaa sheegay inuu waraqad qoraal ah ka helay Midowga Yurub, Germany iyo Ingiriiska taasoo ay ku shaaciyeen inay hakiyeen taageerida Booliska maamulka Koonfur Galbeed.

Warqadda oo loo gudbiyay wasaarada amniga gudaha Federaalka ayaa lagu xusay in talaabadani ay salka ku hayso howlgalkii ay qaadeen ciidamada 19-kii bishaan December, kaasi oo lagu soo rixay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dowladaha Ingiriiska, Germany iyo guud ahaan dalalka Midowga Yurub, waxay ka codsadeen xukuumada Muqdisho inay kala caddeyso hadii howlgalkaasi ay qayb ka ahaayeen ciidamada ay UN-ka taageerto ee booliska maamulka KG.

Ugu yaraan 15 ruux oo uu ku jiro Xildhibaan Gollaha Wakiilada KG ka tirsan ayaa ku naf-waayay dibad-baxyadda rabshadaha watay ee ka dhashay xariga Roobow oo haatan xabsi guri ugu jira dowladda.

Intaas waxaa dheer, inay jiraan Tobaneeyo dhaawacyo ay soo gaareen, iyo Boqolaal xabsiyadda Baydhabo la dhigay, kuwaasi oo ka mudaaharaaday talaabada ay dowladda doorashada kaga reebtay kuna xirtay Roobow.

Warka qoraalka ah laguma xusin talaabada ay qaadi doonan wadamadaan hadii ay cadaato inay Booliska Koonfur Galbeed ee QM taageerto, inkasta oo ay suurtagal tahay inay gabi ahaanba hareer-marsan tahay xeerarka UN-ka.

Villa Somalia oo rabtay inuu doorashada kusoo baxo Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay iyadda wadatay, kaasi oo haatan labinta helay, ayaa meesha ka saartay Roobow oo loo arkayay inuu ahaa musharax aad ucad-cad.

Tani ayaa ku keentay dowladda Farmaajo dhaleecayn caalami ah oo kaga timid hay’addaha udooda xuquuqul Aadanaha, kuwaasi oo ku tilmaamay talaabadaasi mid xad-gudub ku ah xorriyadda qofka.

Talaabada UK, Germany iyo EU-da, lama yaqaano waxa uu ka bedali karo mowqifka ay dowladda ka qaadatay xariga Roobow, balse, wuxuu imaanayaa iyada oo Madaxwayne Laftagareen uu ku howlan yahay inuu si hoose u xaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM