UN oo eegaya "in xaalada Soomaaliya ay halis ku tahay nabada dunida"

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa soo saarey warbixinta sanadlaha ee xaaladda Soomaaliya, taasoo diirada lagu saarey dhinacyada, xuquuqda bini'aadanimada, siayasada iyo amniga.

Ugu horeyn, goluhu wuxuu si aan gambasho lahayn uu u sheegay in uu xushmeynayo madax-babaanida dhuleedka, tan siyaasadeed iyo wadajirka guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Falalka ka dhanka ah xuquuqda bini'aadanimada ee waddanka ka dhacay, waxaana dhinacyadda ay quseyso loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa bad-qabka xuquuqda aadanaha.

Weerarada ay Al-Shabaab dhowaanahaan ka geystay caasimada iyo goboladda dalka ayuu si kulul u cambaareeyay, waxaana ay tibaaxeen in wali kooxdu tahay khatarka amaanka Soomaaliya.

Howlgalka AMISOM oo ku bogaadiyey doorkooda ayaa lagu tartarsiiyey in ay dardargeliyaan gulufka ka dhanka ah maleshiyaadkaasi, iyaga oo ka barbardagaalamayey ciidamada xooga Soomaaliyeed.

Dedaalada nabadeynta iyo xasilinta siyaasada ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka ee isugu jira dhaqaale iyo maskaxba oo uu goluhu soo dhaweeyay ayuu ku booriyey in ay sii wadaan.

Walwal ayey ka muujiyeen xaalada bini'aadanimo ee waddanka. AMISOM ayaa lagu ammaanay kaalintooda gargaarka wallow dhankooda laga codsaday in ay yareeyaan khasaaraha shacabka ee askartooda geystaan.

Xubnaha ayaa carabka ku adkeeyay sida loogu baahan yahay qorshe cad iyo istaraatiijiyad lagu wajaho isbedelka cilimada oo sababi karta abaaro horleh iyo saameyn kale oo xasilooni darro ku keeni karta Soomaaliya.

"[Goluhu wuxuu go’aaminsanayaa hadii xaalada ay ku jirto Soomaaliya ay tahay mid halis ku ah ammaanka iyo nabadda caalamka," ayaa lagu yiri qaraarka oo lamberkiisu yahay 2472.

Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyadda ayaa laga codsaday in ay dardargeliyaan ka shaqeynta siyaasad loo dhan yahay oo ku aadan dhinacyada awood qeybsiga iyo kheyraadka waddanka.

Goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in xukuumada iyo dowladaha xubnaha ah ay fuliyaan qorshaha amniga qaranka ee uu qeyb ka yahay mid kala guurka ee bixitaanka AMISOM oo uu ayiday mar kale.

Si lamid ah Golaha ayaa wuxuu ka codsaday dhinacyadani in ay ka shaqeeyaan fulinta Heshiiskii Amniga ee Shirkii London, kaasi oo qeexaya in labada garab ay kawada shaqeeyaan sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Qaraarkan kasoo baxay Golaha Amaanka ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa waxa uu kusoo beegmayaa xili dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ay hakiyeen wadashaqeyntii federaalka.

Maamuladan ayaa ku eedeeyay xukuumadda in aysan fulin dhamaan heshiisyada siyaasadeed, kuwa amniga, federaal-diidnimo iyo isku koobida talada waddanka, iyaga oo rajo ka muujiyey in wadahadal kale uu qabsoomi doono.

Warbixinta UN-ka ayaa sidoo kale waxay imaaneysaa xili xaaladda amni ee waddanka si gaar ah magaala madaxda ay u muuqato mid faraha kasii baxeysa ayna kordheen weerarada Al-Shabaab.

Xukuumadda uu leeliyo Xasan Cali Khayre ayaa ku guuldareystay in ay wax-qabad muuqda ka qabato dhanka ammaanka xili mudada xileedkeeda uu haatan uga harsan yahay kaliya sanad iyo bilooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM