UNICEF oo la sheegay in xafiiskeeda u soo wareejisay Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hay'adda UN-ka u qaabilsana arrimaha carruurta ee UNICEF ay xafiiskeedii Nairobi usoo wareejisay Muqdisho.

Wasiir Jamaal ayaa sawirro iyo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo madaxa UNICEF ee bariaga iyo Koonfurta Africa ay shalay oo Talaado ahayd ay si wadajir ah xariga uga jareen xafiiska cusub ee hay'addan ku shaqeyn doonto.

Tallaabadan ayaa ka dambeysa markii Wasiirka ugu caga jugleeyay bishii August ee lasoo dhafaay hay'adaha caalamiga ah iyo NGO-yada inuu ruqsadaha shaqo iyo diiwaangelintooda kala noqonayo hadii aysan xafiisyadooda usoo wareejiyan Muqdisho ugu dambeyn January 1, 2019.

Waxaa xusid mudan in dhamaan hay'addaha Qaramada Midoobey sida UNDP, UNHCR, UNICEF, WFP iyo kuwa kale ay horey ugu shaqeyn jireen Muqdisho, kuwasoo ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM, oo qaarkood ku dhex shaqeeya Xalane.

Kuwa Muqdisho usoo guuri waayay ayaa ku doodaya inaysan heysan cid kafaala qaada amnigooda, islamarkaana aysan iska bixin karin kharashka lagu ilaalinayo xaruumahooda iyo shaqaalahooda ajnabiga ah.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu khatarta badan ee ay ka howlgalaan hay'adaha safamalka caalamka, iyadoo loo geysto afduub iyo dil shaqaalaha ajnabiga ah ee u shaqeeya.

Bishii May ee sanadkan, waxaa xarunta ICRC ee Muqdisho lagala baxay Sonja Nientiet, oo ah Gabar u dhalatay dalka Jarmalka, oo Kalkaaliye caafimaad ah, taasoo ay afduubteen ragga horey hay'adda ugu shaqeynayay, oo ilaalada katirsanaa.

Sonja Nientiet oo la afduubtay May 2018

Sonja Nientiet ayaanan la ogeyn halka lagu hayo iyo cid haysata, waxaana halka laga afduubey ay ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Zoobe [KM-5], halkaasoo ah bartahmaha Muqdisho, iyadoo aan wali dowladda Faderaalka aan qaadin wax tallaabo ah oo lagu soo badbaadinayo gabadhan la shaqeynaysay ICRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM