Ururka Al-shabaab oo la wareegey degmada Marka

Image

MUQDISHU:  Wararka ka imanaya Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab maanta la wareegeen magaaladaasi kadib markii ciidammada AMISOM iyo kuwa Somalia isaga baxeen halkaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in magaalada Al-Shabaab gudaha u galeen islamarkaasina fariisimo ka samaysteen goobaha muhiimka ah.

Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in halkaas wax dagaal ah aysan ka dhicin.

Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa duhurnimadii maanta shaacisay in shan sano kadib dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Marka.

Saraakiisha Dowladda iyo Taliska Amisom ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin waxa uu salku ku haayo, ka soo bixista xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa saxaafada u sheegey in ciidamada isaga baxeen magaladaas kadib markii mushahar la'aan lasoo gudbonaatey halka ay jireen cabashooyin ka imaanayey dadka degaanka kuwasoo xusey in Amisom la shaqeyneysay qaab ka tirsan qabaa'ilka degaanka.

Taalabadaan ayaa imaneysa xilli beesha caalamka taagertay nidaamka 4.5 in doorashada Somalia ku dhacdo halka madaxweyne Xasan Shiikh sheegey in xaalada amni ee dalka gacanta ku hayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xannibaadaha dowladda Soomaaliya ayaa sababay Xiriirka Somaliland–Israel

Madaxweynihii hore ayaa xusay in inkasta oo uu si cad uga soo horjeedo xiriir kasta oo Somaliland la yeelato Israa’iil.

  • Soomaliya

    29-01-2026

  • 07:58AM

Reuters ayaa Sidatan u Qortay Xogta Dhan ee Kulamadii Madaxweyne Cirro ee Davos, Switzerland

Weriyayaal ayaa arkay Madaxweynaha Somaliland oo galay qolka ay ku sugnaayeen…

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 08:39PM