Ururka Al-shabaab oo la wareegey degmada Marka

Image

MUQDISHU:  Wararka ka imanaya Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab maanta la wareegeen magaaladaasi kadib markii ciidammada AMISOM iyo kuwa Somalia isaga baxeen halkaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in magaalada Al-Shabaab gudaha u galeen islamarkaasina fariisimo ka samaysteen goobaha muhiimka ah.

Wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in halkaas wax dagaal ah aysan ka dhicin.

Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa duhurnimadii maanta shaacisay in shan sano kadib dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Marka.

Saraakiisha Dowladda iyo Taliska Amisom ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin waxa uu salku ku haayo, ka soo bixista xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa saxaafada u sheegey in ciidamada isaga baxeen magaladaas kadib markii mushahar la'aan lasoo gudbonaatey halka ay jireen cabashooyin ka imaanayey dadka degaanka kuwasoo xusey in Amisom la shaqeyneysay qaab ka tirsan qabaa'ilka degaanka.

Taalabadaan ayaa imaneysa xilli beesha caalamka taagertay nidaamka 4.5 in doorashada Somalia ku dhacdo halka madaxweyne Xasan Shiikh sheegey in xaalada amni ee dalka gacanta ku hayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM