Ururka Al-shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaadey Afgooye

Image

AFGOOYE 20 June,2015 (GO)- Ugu yaraan sideed ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa ku dhintey weerar 2:00 habeenimo ee xaley kooxda Al-shabaab kusoo qaadey xero ku taal duleedka degmada Afgooye.

Dhaawaca askarta ayaa labo ah halka kooxda weerarka soo qaadey qabsadeen afar gaari oo ka tirsanaa gadiidaka ciidanka ee markaas ku sugnaa xerada.

Cabdullaahi Maxamed Xaaji Cali oo ah Taliye Ku Xigeenka Booliska ee Afgooye ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadiisu dib u soo qabsadeen labo gaari oo ka tirsanaa kuwii laga qabsadey.

Degmada Afgooye oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ururka al-shabaab wuxuu muddooyinkii u dambeeyey ka geysaneyey weeraro gaadmo ah kuwasoo loo gaysanyo ciidamada dowlada iyo saraakiisha maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM