USA oo la hor-dhigay askarta Soomaalida ee ku maqan Eritrea

Image

WASHINGTON, USA - Qadiyada askarta Soomaaliyeed ee sida qarsoodiga ah uu maamulka Farmaajo tababarka ugu diray Eritrea ayaa gaartey baarlamaanka Mareykanka iyadda oo uu ka doodey guddiga arrimaha dibadda.

Ilhaan Cumar, oo ah mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee Mareykanka isla markaana asalkeedu yahay Soomaali, ayaa qadiyadan hor-dhigtay Robert F. Godec, oo a h kusimaha Kaaliyaha Xoghayaha Xafiiska arrimaha qaarada Afrika.

Robert F. Godec ayaa 30-kii June wuxuu kasoo muuqdey su'aallo waydiintaas oo si gaar ah diiradda loogu saarey colaada gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigray halkaasoo tacadiyo xuquuqda aadanaha laga soo wariyey.

Godec oo ka jawaabaya su'aasha Ilhaan taasoo ahayd haddii Washington xaqiijin karto in askar Soomaali ah qeyb ka ahaayeen colaada ayaa ka dhawaajiyey in aysan ogeyn balse kaliya la socdaan askar ku sugan Itoobiya.

"Ciidamadaas waxay Itoobiya u joogaan arrimo khuseeya tababar," ayuu ku war celiyey markii la hor-dhigay su'aal kale oo ku saabsaneyd ogaalkooda waxay askartaas Soomaalida ah ugu sugan yihiin qaybo kamid ah dalka Itoobiya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxay fagaare ka sheegtay in askar Soomaali ah aysan ka qeybgelin dagaalka Itoobiya, balse Qaramada Midoobay waxay tibaaxdey in ay soo gaareen warar arrintaas khuseeya.

Ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka loogu daabulay Eritrea ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay in ka badan 5,000 waxaana wali aanan jirin wax lasoo celiyey tababarkana uu u dhamaadey taasoo walaac ku abuurtay waalidiinta.

Idaacadda VOA oo wareysatay qaar kamid ah dhalinyaraddaas ayaa daaha ka rogtay in ay wajahayaan xaalad nolol xumo ah. Mid kamid ah dhalinta la wareystay ayaa wuxuu carabka ku dhuftay "in ay adoon-saneyso dowladda Eritrea".

Sikastaba ha noqotee, Farmaajo oo ugu yaraan laba jeer booqdey askartan ayaan wali si furan uga hadlin. Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa kiiskaan wuxuu ku noqon karaa bar madow haddii uusan si daahfuran uga gar bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM

Fiqi oo ka hadlay weerarkii Trump ku qaadey Ilhan Omar

Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray: “Soomaaliya waa mid mar walba ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:03AM