Villa Soomaaliya oo "afduubaneysa" kuraasta gobolada waqooyi ee BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maleegtay qorshe balaaran oo ku aadan siddii ay u maroorsan lahayd kuraasta gobolada waqooyi ee labada aqal ee baarlamaanka, sidda uu sheegay Xildhibaan.

Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac, gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Aqalka Sarre oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa xusay in kuraastooda loo afduubayo madaxweynaha.

Senator-ka oo shaaca ka dhigay in arrintaan loo saarey guddi u badan xubno isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano taageersan xukuumadda haatan jirta ayaa ku adkeystay in aanan laga talagelin qaraar soo baxaya dhowaan.

"Xataa guddiga oronaya waanu kasoo shaqeynay kama aysan soo shaqeyn waayo Af Soomaaliga waxay noqon lahayd 'waxaanu kasoo shaqeynay, waxaaanu soo garanay, waxaanu soo qabanay'" ayuu tibaaxay.

Mudanaha oo ku eedeeyay dowladda haatan jirta in aysan dooneyn doorasho ay dalka ka qabto ayaa warqadda lagu waddo in guddigu shaaciyo ku sifeeyay "digreeto lagu diyaariyey Villa Soomaaliya".

"Waxaa la doonayaa in la diyaariyo doorasho oo dhan in aanu ka dhicin dalka ama gobolada; annaga doorashadeena kolkii hore halkaan [Muqdisho] baanu ku qabsanay; waxaa noo diidey dad badan oo halkaan joogana u diidi doona tabta loo diyaariyey in loo afduubo doorashadda; ciidamadaa la sameeyay, guddi aan dastuuri ahayn, cidda magacaabeysa la aqoon, awoodooda la aqoon, waxaas oo dhan baa ku jira [warqadda]," ayuu raaciyey.

Wasiiradda iyo Xildhibaanadda ku howlan ay kuraasta gobolada waqooyi "u afduubaan" madaxwene Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu cod dheer ugu digay.

"Hadiyad ahaan baa loo bixiyey"

"Waxaan uga digeynaa Umadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaan u sheegeynaa in kuraasta reer waqooyi hadiyad ahaan loo bixiyey, in nala kula baayac-tamayo 'kursigaaga waad soo noqoneysaa ogolow in Xamar lagu qabto, ogolow in aad Nabad iyo Nolol noqoto' waa diidnay," ayuu xusay.

Go'aanada la filayo in guddiga ay maalmaha soo aadan ku dhawaaqaan ayuu Senator-ka carabka ku dhuftay in aysan qayb ka ahayn isaga iyo xubno kale oo ku sugan gudaha waddanka iyo dibadiisa.

"Waraaq lasoo wariyey oo madaxtooyadda ka timid" ayuu ku tilmaamay qaraarka guddiga oo uu ku qeexay mid u jaran-jeera Madaxtooyadda.

Marka laga soo tago eedeynta Muxiyadiin, ma jiro wax jawaab ah oo illaa iyo haatan ay Madaxtooyaddu ka bixisay sheegashooyinkiisa.

Maadaama gobolada waqooyi oo hadda loo yaqaano Somaliland ay gooni u goosad tahay tan iyo 1991-dii, xubnaha baarlamaanka ku metela waxaa lagu qabtaa Muqdisho, wallow qorshuhu ahaa in laga gudbo arrintaas.

Doorashooyinka la qabsoomaya dalka 2020-21 oo aan wali lagu heshiin nidaamka lagu galayo ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod ah, hase ahaatee, diyaar-garow la'aan iyo khataro amni oo jira ayaa shaki loo geliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM