Villa Soomaaliya oo dhiiragelineysa burburka heshiiska doorashada 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u muuqaneysa mid holac kusii shideysa talaabooyin looga digay kuwaasoo carqalad ku noqon kara dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka Qaranka ee 2020-21-ka.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee uu majaraha u hayo madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkii hore ciidamo horleh oo ah kuwa lagu soo tababaray waddanka Turkiga loona yaqaano Gorgor waxay ka dejisay gobolka Gedo.

Inkasta oo aan tiradooda saxda ah lala wadaagin war-fidiyeenka, ciidamadaas oo diyaarad looga qaadey Muqdisho ayaa laga dejiyey magaalooyinka xuduudka Kenya ku dhow ee kala ah; Doolow, Ceelwaaq iyo Beledxaawo.

Iyaddoo qadiyada gobolkan ay xudun u tahay khilaafka dowlada iyo Jubaland, wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo warsidaha GO la sameeyay xiriiro si wax uga waydiiyo ayaa waxay ka gaabsatay in ay ka warbixiso.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ka sheegay furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Jubaland in aysan gobolkaas gaar ahaan magaalada Garbahaarey ka dhici doonin doorasho inta ciidanka laga saarayo.

Walaaca waa in ciidamadda ay gacma-gacmeeyaan hanaanka soo xulista mudaneyaasha maadaama su'aal la geliyey dhex-dhexaadnimadooda.

Kaliya maahan gobolka Gedo, taliska Farmaajo ayaa faragelinaya doorashadda soo aadan ee HirShabelle isagoo hadafkiisu yahay in uu kusoo saaro madax u sacab tunta una soo saara Xildhibaano kusii haya kursiga ugu sareeya dalka.

Is-qabqabsi salka ku haya awood-qeybsi ayaa hareeyay coddeynta HirShabelle, taas oo sarre u qaadey cabsida in laba madaxweyne ay soo baxaan.

Dhaqdhaqaayada socda ayaa la aaminsan yahay in ay sawir guud ka bixinayaan hadafka sheegashada Farmaajo oo ah in uu doorasho qof iyo cod uga tanaasulay "in uusan dalka kala tagin iyo in aysan ku imaan faragelin shisheeye".

Farmaajo oo uu ku jiro damac kale oo ah in uu difaacdo kursigiisa ayaa kahor heshiiska doorashada ku dheganaa in dalka u dareero doorasho toos ah, taas oo mucaaradka ku qeexay "feker muddo kororsi iyo boor isku qaris".

Wiiqitaanka Al-Shabaab, qabyo-tirka dastuurka iyo qof iyo cod ah ayaa kamid ahaa waajibaadka looga fadhiyey dowlada Farmaajo. Qodobada oo sida ay u kala horeeyaan loo fuliyo, waxay dalka u horseedi lahayd doorasho toos ah.

Xilli guuldarooyinkaas siyaasadeed ay horyaalaan, fursada dalka u muuqaneysa in uu si nabdoon kaga baxo mar-xalada kala guurka u sahleysa waa heshiiska doorashada oo sidiisa loo fuliyo taas oo hadii dhici weydo cawaaqib leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM