Villa Soomaaliya oo si dabacsan uga falcelisay gefka Macron ee Islaamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaab gacan-ku-gabad ah waxay uga falcelisay gefka uu madaxweynaha waddanka Faransiiska kula kacay Diinta suuban ee Islaamka iyo Nabi Maxamed [NNKH].

War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanada baraha bulshadda ee Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa ciwaan looga dhigay: "Kala saaridda xorriyadda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka Diiniga ah".

Bayaanka ayaa waxaanan si toos ah loogu carabaabin midkoodna – Dowladda Faransiiska ama hogaamiyaha dalkaas Emmanuel Macron – oo ah shaqsiga ka dhawaajiyey hadalkaas ka careysiiyey malaayiin Muslimiin ah.

Villa Soomaaliya ayaa u muuqata mid adeegsaneysa luuqad dabacsan ayaa madaxda caalamka ugu baaqdey ka fogaadan ficiladan oo kale.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka".

Bayaanka ayaa waxaa intaas la raaciyey: "Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka".

"Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan".

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah".

Cambaareynta xukuumadda Muqdisho ee dhawaqa Macron oo lagu qeexi karo mid soo daahay marka loo eego dalalka kale ee Islaamka ayaa timid xilli ay magaalooyinka qaar ee wadanka dhaceen mudaaharaadyo liddi ku ah France.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM