Xubno ka tirsan ururka Daacish oo la xakumey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah min lix sano oo xabsi ah garka u gelisay laba rag oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Daacish.

Xuseen Cali Maxamed Muudey iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali ayaa la sheegay in ay haystaan fursad ay racfaan uga qaadan karaan xukunkaasi.

Sidda laga soo xigtay dacwad-oogayaasha, waxaa kaloo raggaan lagu soo oogay dacwad ah in ay Al-Shabaab horey uga soo mid ahaayeen.

"Labadooduba waxay qirteen dambiga lagu soo oogay," ayuu yiri Xasan Calinuur Shuute, gudoomiyaha maxkamada.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa kusoo gudbinaya sooyaalka nololeed ee eedaysanayaal, Xuseen iyo Cabduqaadir.

– Xuseen Cali Maxamed Muudey –

Magaca looga dhex-yaqaano labada kooxda waa Suheyb, sida ku cad qoraal kasoo baxay maxkamadda milatariga.

Sanadkii 2014-kii ayuu kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kaga biiray degaanka Moordiinle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xasan, oo Muqdisho lagu qabtay bishii November 2018-kii, ayaa u sheegay baarayaasha in nin qaba gabar Abtigii dhalay uu ku qanciyay ku biirista Al-Shabaab, sida ay xeer-illaalintu soo tabisay.

Dhamaadka sanadkii 2017-kii ayuu Daacish ugu biiray daruufo nolaleed oo soo wajahay, kuwaasi oo ay jirto baahi lacageed.

Intii kamid ahaa Al-Shabaab waxaa kaliya la baray sida loo ganno qoriga AK-47 balse kooxda Daacish ayaa ugu dartay B.K.M iyo RPG.

"Markii aan ogolaaday in aan ku biiro waxaa la isoo diray lacago si aan ugu kicitamo meel ku dhow magaaladda Gaalkacyo," ayuu Xasan raaciyay.

Maalmihiisii Daacish-ta Soomaaliya ayuu xusay in uu goobjoog u ahaa xubno ay saaxiibo ahaayeen oo ay la toogtay markii looga shakiyay in ay la shaqeeyaan Al-Shabaabka koonfurta ku xoogan.

– Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali –

Waxaa kaloo loogu yeeraa Qudaama iyo Daahir oo ah magaciisa afgarashada, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Al-Shabaab oo uu kaga biiray isla tuulada Moordiinle ayuu ugu soo dagaalamay magaalooyin ay kamid yihiin Janaale iyo Awdhiigle.

Sida ay baahisay maxkamada, kooxda Daacish ayuu ku biiray 2016-kii, isaga oo kasoo howlgalay meelo ay ku jiraan Boosaaso, Af Urur iyo buuraha Calmiskaat.

Bishii November 2018-kii ayaa lagu qabtay Muqdisho kadib howlgalo qarsoodi ah oo ay sameeyeen laamaha amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM