Zubeyr Al-Muhaajir: Ajanbiga kasoo baxay Shabaab ee ku sugan Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal sare oo kamid ahaa hogaanka sare ee Al-Shabaab ayaa soo gaarey Muqdisho ka gedaal markii uu kasoo baxsaday ururkaas, sidda ay baahisay VOA-da.

Zubair Al Muhaajir oo u dhashay Ivory Coast ayaa ku hadla luuqadaha Soomaaliga, Faransiiska iyo English-ka.

Wareysi uu siiyey barnaamijka Galka Baarista ayuu sharaxaad dheeri ah kaga bixiyey sababta oo uga soo baxay xoogaga gacansaarka la leh shabakadda balaaran ee Al-Qaacida.

"Waxaan uga soo baxay kooxdaas qaabka cadaalad daradda ah oo ay wax u xukmiyaan, in hogaankooda aysan ku dhaqmin shareecada Islaamka, in ay gaaleysiiyaan xukuumadaha Muslimiinta ah iyo dadka xiriirka al leh, iyo in ay dadka lacag uga qaadayaan magaca ALLE," ayuu yiri.

Ma cadda hadii baxsashadiisa ay wax ka ogeyd Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ama ay kaalin weyn ka cayaartay.

Si lamid ah, waxaanan la shaacin hadii goobta uu kaga sugan yahay magaalo madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ay ka war hayso xukuumadda.

Waa kuma Zubair Al Muhaajir?

"Kooxda waxaa ka baxay 2013-kii, laakiin meelaha ay ka taliyaan waxaan kasoo tegay bishii October ee sanadkii hore [2019]," ayuu raaciyey, isagoo aanan fahfaahin ka bixin qaabka.

Mar la waydiiyey hadii uu dib ugu laaban doono waddankiisa, Al Muhaajiri ayaa isla markiiba wuxuu ku jawaabay "taas ALLE ayaa og".

Sidda lagu ogaaday baaritaan qoto dheer, Al Muhaajir ayaa dalka Soomaaliya tegay xiligii ay Muqdisho ka jireen Midowgii Maxkamadaha.

Si lamid ah, wuxuu kamid noqday Golaha Shuurada ama Golaha Wada-tashiga ee dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Guddi ay Al-Shabaab u saartay dhexdhexaadinta hogaankeeda kadib khilaaf xoogan oo ka dhashay qaraxii hotel Shaamow ayuu kamid ahaa, kaasoo kolkii dambe sababay in la xiro.

Maxaa loo xiray Zubair?

2009-kii ayay ahayd markii xabsi loo taxaabay kadib fashil ku yimid dedaalo ay wadeen guddiga uu ka tirsanaa, oo u kala dab-qaadayey hogaanka xarakada oo isku qabtay beegsiga shacabka.

Fariin cod ah oo uu soo duubay ayuu Zubeyr Al Muhaajir ku sheegay in xarigiisa uu yimid markii uu si furan u dhaliilay hogaanka xarakada kadib "dilkii" Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan.

Xubnahaan oo uu wehliyey Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] ayaa kasoo horjeeday Axmed Godane iyo koox kale, kuwaasoo uu ku eedeeyay "baneysiga dhiiga shacabka".

"Al-Shabaab wax shareeco Islaami la yiraahdo oo ay ku dhaqmaan ma jirto, waxay kaliya eegaan dano gaar ah," ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Talaabada xigta

Mar la waydiiyey talaabada xigta ee uu qaadi doono ayuu ku sheegay in uu bulshadda ka wacyi gelin doono "marin-habaabinta ay wado" kooxdaas.

"Buug aan qoray oo aan kaga hadlaayo dhibaatooyinkooda ayaan filayaa in aan soo bandhigo," ayuu xusay, isagoo aan muddeyn waqtiga.

Isagoo ka jawaabay waydiin kale oo ku saabsan qaabka looga adkaan karo Al-Shabaab ayuu tibaaxay "maadaama ay sheeganayaan in dagaalkoodu ku saleysan yahay Diinta, waxaa laga maarmaan ah in dhalinyarada lagu qanciyo in dagaalkooda uu Diinta khilaafsan yahay".

Wuxuu u qiil dayey shisheeyaha ku biira Al-Shabaab, isagoo ku adkeystay "dad badan ayaa aaminsan in muhaajiriinta sabab u yihiin dhibka jira, laakiin xaqiiqada sidaas maahan".

"Waxay u yimaadeen in ay caawiyaan walaalahood Soomaaliya, balse markii ay arkeen dhaqanka Al-Shabaab iyo Diin la'aantooda way ka hor-imaadeen," ayuu tilmaamay.

Zubeyr Al Muhaajir ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Taas [khilaafka] ayaa sababtay in qaar ay dilaan, qaar ay musaafuriyaan qaarna ay illaa iyo haatan ay xabsiyadooda buux-dhaafiyaaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM