Waa sidee xaalada Balcad kadib weerarkii xalay ee Al-Shabaab?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macluumaad dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyay weerarka oo ka yimid labo jiho ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida u suurtageliyey in ay gudaha ugu gasho magaaladaasi.

"Marka hore waxay dagaalka kasoo qaadeen wadada Kulanka ee dhinaca Jowhar, halkaasi ciidamada xooga ay ku dagaalameen," ayuu yiri afhayeenka HirShabelle.

Daa'uud Xaaji Cirro ayaa intaasi ku daray in isla waqtigaasi dagaalamayaasha ay duulaan kale kasoo qaadeen jidka Basra ee ka yimaada degmada Afgooye.

"Ciidamada dowladda oo tiro ahaan yaraa waxay keentay in ay dib uga ruqaan-sadaan degmada, taasoo fursad siisay argagaxisada," ayuu Daa'uud raaciyay.

Afhayeenka oo qiray in ay jirto waxyeelo ka dhalatay weerarkaasi ayaa ka gaabsaday in uu carabaabo tirada saxda ah.

Dadka degaanka ayaa bilaabay in ay isaga qaxaan degmada, sababo ku aadan cabsi ka qabaan in ay soo rogaalceliyaan xoogaga dowladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-Shabaab meelaha ay weerareen oo ay kamid tahay saldhiga Booliska ay kasii daayeen maxaabiis.

Afhayeenka oo wax laga waydiiyay arrintaan ayaa ku war-celiyay "Waa run inay meelo badan weerareen, balse ma xaqiijin karno in ay maxaabiis sii daayeen.

Fahfaahinta ayaa tibaaxaysa in sidoo kale Al-Shabaab ay la wareegtay xarunta maamulka degmada Balcad, inkasta oo mas'uuliyiinta ay beeniyeen warkaasi.

Dhowr illo wareed oo degaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in dagaalka kadib ay dul-heehaabayeen Balcad diyaarado dagaal.

"Diyaaradaha waxay ahaayeen kuwa Mareykanka, oo aan inaga gurmad ahaan ugu yeeranay, balse duqeyn ma aysan geysan xalay," ayuu xusay Mr Daa'uud.

Xaaladda magaalada Balcad ayaa haatan ah mid degan, inkasta xili kasta la filan karo in ay wax iska bedalaan, maadaama la dareemayo xiisad colaadeed.

Xeel-dheerayaasha amniga ayaa rumeysan in "qabsashada" AlShabaab ee Balcad ay ahayd wax la filayay, balse mas'uuliyiinta dowlada iyo HirShabelle aysan siinin tix-gelintii ay u baahneed.

Balcad, 30 KM dhinaca Waqooyi uga beegan Muqdisho, waa degmo muhiim u ah isu socodka gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe kaasi oo mar sii horeysay ay ka quusteen madaxda, markii lagu beegsaday mas'uuliyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM