"Waan ogaa in uu Shabaab yahay; ismana lahayn Abtigaa ayaa ku dilayo"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Burburkii Soomaaliya ka dhacay kadib dagaalkii sokeeye 1991-dii ayaa keenay adeegyadii muhiimka u ahaa dowladnimada, amniga iyo kala dambeynta ay meesha ka baxaan.

"Buburinta aad ayey u sahlan tahay, balse dhisitaanka wey adag tahay," waa oraah caan ah oo la wada adeegsado marka loo tusaaleyn bulsho la doonayo in ay ka qeyb-qaadato dib-u-dhiska dal ama dhismeyaal.

Howlahaasi oo muhiim u ahaa xasilinta ammaanka iyo guud dalka ayaa waxaa kamid ah; isgaarsiinta, maamulka gaadiidka badda, dhulka iyo cirka iyo canshuuraha gudaha uga soo xaroota xukuumada.

Qayb ahaan adeegyadaas ayaa waxay haatan ku jiraan gacanta hay’addo gaar loo leeyahay ama qof shaqsi oo nolol maalmeed ka raadiya. Halka canshuurta ay dowladda iyo AlShabaab kawada qaadaan caasimada.

Balse qaarkood ayaa la rumeysan yahay in ay kaalin ku yeeshaan falal liddiga ku ah nabad-gelyadda ama qaranka, taasi oo ugu wacan hubin la'aan iyo hay’addaha ammaanka oo aanan wax lug ah ku lahayn goobaasi.

Goobaha farta lagu fiiqay ayaa waxaa kamid ah; goobaha lagu barto wadista baabuurta oo isugu jira kuwa shaqsi ah iyo hay’addo.

Warbixin kasoo baxday sirdoonka Soomaaliya oo nuqul kamid ah loo dusiyey Garowe Online ayaa muujineysa in tirro badan oo shaqsiyaadka isku qarxiyey Muqdisho ay halkaas ku barteen kaxeynta gawaarida.

"Shaqsiyaadka ama hay’addaha kireeya baabuurta ayaa qaarkood ah shabakad ka tirsan kooxaha is-qarxiya ee AlShabaab," ayay raacisay.

Balse waa dhif iyo naadir iyo mukhaabaraadka Soomaaliya ay ku guuleystaan burburinta shabakadaas, sida lagu qiray qormadda, oo waydiisaneysa dadweynaha taageero ay ku dabagalaan.

Xawlo kariye iyo Makaanikiste

Xasan Macalin Barre [Xasan Boy], 21-jir, iyo Sayid Cali Aadan Nuur [Istiin Boy] waa shabakadii ugu dambeysay ee cadaaladda maray.

Xasan ayaa garka loo geliyay xabsi daa'in, halka Istiin Boy uu sugayo in tiirka lasoo taago maadaama uu ku xukuman yahay dil toogasho.

Maxuyadiin Axmed Maxamed Khilaaf [Siijey] oo raggan lala soo xiray ayaa xorriyadiisa loo celiyay markii wax dambi ah lagu waayey.

Xasan oo uu Abti u yahay Cali ayaa lasoo qabtay sanadkii hore, iyaga oo ku eedeysan qarax bishii November ka dhacay Xaafada Kaawa Godey, degmada Wadajir, kaasi oo galaaftay 12 ruux iyo dhaawaca tirro kale.

Eedeysanaha xabsiga daa'inka lagu xukumay oo Xaasle ah ayna u joogaan caruur ayaa waxbarashada kaga haray fasalka 4aad ee dugsiga hoose. Wuxuu kadib kasoo shaqeeyay Xawlo [Xaalaawad] karinta iyo Tukaan iibin.

Xalaawada ayuu ku karin jiray magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Halka tukaanka oo uu u soo wareegay kadib uu ku yaalo duleedka Muqdisho ay lahaayeen reerka uu Xawlada u karin jiray.

Xalaawada ayuu ku karin jiray magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Halka tukaanka oo uu u soo wareegay kadib uu ku yaalo duleedka Muqdisho ay lahaayeen reerka uu Xawlada u karin jiray.

Tukaanka ayuu maalintii ka qaadan jiray $2 [46-kun Shilin Soomaali], sidda uu ku sheegay wareysi uu siiyey Barnaamijka Gungaar ee Telefishinka ku hadla afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

"Barro sida baabuur loo waddo"

Mr Istiin Boy, hogaamiyaha shabakadan oo xubno kale oo kamid ay ku raad-joogaan ciidamadda ammaanka, ayaa leh xirfado kala duwan sida; Makaaino [sameynta baabuurta] iyo Fuundi [dhismaha guryaha].

Sidda lagu ogaadey baaritaan, labadooda ayaa ka isku mid ka ahaa isticmaalka maandooriyaha sida; Khaadka, Sigaarka, Calaqaha iyo Xashiishka.

Xasan oo ay ku adkaatay maareynta noloshiisa maadaama reerkiisu ku filnaan waayey lacaga uu helo uuna leeyahay Balwad ayaa waxay taasi fursad u noqotay Istiin Boy oo uga faa'ideystay howlaha xagjirnimadda.

"Maadaama waalidka uu ka naxaayo wiilkiisa, wuxuu ii sheegay in aan barto sida loo wado baabuurta, maadaama uu darawal yahay aanna heli karno baabuur si aan ugu shaqeyno," ayuu xusuustiisa dib ugu celiyay.

Goob baabuurta lagu barto oo ah duleedka Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha ayuu tegay, halkaasi oo uu kusoo bartay. Dabcan, waa lacag barashadda, waxaana halkii wareeg qofka laga qaadaa $1 [24-kun Shillin Soomaali].

"Abtigaa ayaa ku qarxinayo isma lahayn"

Maalmo kadib barashadda, walow uusan xariif ku noqon: "Wuxuu iigu yiri 'Gaari Velar ah ayaa la ii keenay oo uu qarax ku xiran yahay. Wuxuu yaalaa Weydow, waan isaga baashaaleynaa' mar uu isagu wado iyo mar aan aniga wado".

Sirdoonka Soomaaliya ayaa ku guuldareystay in ay ogaadaan bartilmaameedka gaarigaas. Balse, waxa uu ugu dambeyntii ku qarxay goob mashquul badan oo ah Kaawa Godey, halkaasi oo ay ku yaaliin mehrado ganacsi.

"Dambiilaha" wareysiga bixiyey oo gaariga soo wadey isaga oo og in uu miineysan yahay ayaa loo sheegay in uu u geynayo qof isku qarxinyo, wallow uusan carabaabin goobta loo tilmaamay iyo bartilmaameedka.

Maadaama uusan wali si wanaagsan u baran wadista baabuurta laba jeer ayuu shil galay intii uu jidka ku jiray. Shilka koowaad oo uu qof ku dhacay waxay ku xaliyeen $40 oo ay siiyeen dhibanaha.

Balse shilkii labaad oo uu ku dhacay Bajaaj waxaa qabtay ciidamada markii uu isku dayey in uu baxsado. "Telefoonkeyga oo gaariga ku jira ayaa soo dhacay, askari ayaa yiri ha qaban, in uu gaariga qarxo ayaa laga yaabaa".

Isaga oo gacmaha ka jeebeysan kana xiran indhaha meel aan u dhaweyn gaariga fadhiya isla markaana ciidamada ku amrayaan shacabka in ay goobta ka dheeraadan ayaa waxaa mar qura qarxay gaarigii.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa rumeysan in uusan jirin qof kale gaariga isku qarxin lahaa. Balse Cali uu ugu talogalay in uu ku qarxiyo Xasan marka bartilmaameedka la gaaro. Balse, laamaha ammaanka ma aysan shaacin bartilmaameedka.

"Hadii barnaamijkii [howlgalka] uu fashilmay…isaga oo aan ila tashan buu qarxiyey. Hadii aan saarnaan lahaa, waxaan hubaa in laygu qarxin lahaa…Isma lahayn Abtigaa ayaa ku qarxinaayo," ayuu ku cataabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM