Waare oo ka hadlay guddi uu Farmaajo u saarey dilkii taliye Macow

Image

BELEDWEYNE, HirShabelle – Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shaqaaqadii isbuucan ka dhacday degaanka Kala Beyr ee duleedka magaaladda Beledwayne.

Iska hor-imaadkaasi oo u dhaxeeyay ciidamo daacwad u ah Yuusuf Dabageed iyo kuwa kale oo ka tirsan dowladda ayaa waxaa ku dhintay taliyihii gobolka Hiiraan, marxuum Korneyl Maxamed Macow.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, khaarijinta Macow oo askar badan loo xir-xiray ayaa salka ku haysa xiisada ka dhalatay xilka qaadista gudoomiyihii gobolka Hiiraan, Mr Dabageed.

"Waxaa nasiib daro ah in ciidamadii dilay Korneyl Macow ay ahaayeen kuwa ay dowladdu leedahay. Intii gacan ku dhiiglaha ahayd ee tuhunadu ku jiray waa lasoo qabtay wayna xiran yihiin, kaliya waxaa dhiman cidda amartay iyo sababtay u amartay," ayuu yiri hogaamiyaha HirShabelle.

Dowladda dhexe si gaar ah xafiiska madaxweyne Farmaajo oo soo farogeliyay arrintani ayaa u saarey Guddi xaqiiqo raadin ah, kuwaasi oo baaritaan ku sameyn doono qaabka ay mashaqadu u dhacday.

Waare oo shir jaraa’id ku qabtay caasimad goboleedka uu maro webiga Shabeelle ayaa soo dhaweeyay Guddigaasi, isagoo shaaciyey in uu magacaabi doono guddi kale oo midka federaalka ka garab shaqeeya.

"Dowlada Federaalka iyo hogaankeeda oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in arrintaasi dhacday aysan ka war-qabin, waxaana madaxweynuhu magacaabay Guddi heer qaran oo arrintaasi xaqiiqadeeda soo hela. Annagana waxaan magacaabi doonaa Guddi kaasi oo la shaqeeya Guddigaasi sameyn doonana baaritaan madax banaan," ayuu ku daray.

Sidda laga soo xigtay Waare, askarta xiran ee falkan ku eedeysan waxay tilmaameen "in madax ka sareysay ay kusoo amartay in ay dilaan taliyaha" wallow uusan cid gaar ah farta ku fiiqin.

- Tuhun -

Madaxweynaha HirShabelle oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo cid kasta oo ay taabatay geerida marxuum Macow ayaa waxa uu wacad ku maray in ay caddaalada waji doonan "gacan ku dhiigleyaasha".

Guddiga uu madaxweyne Farmaajo saarey xal u helista qadiyadan ayaa waxaa lagu wadaa in Khamiista ay u dhoofaan magaaladda Beledwayne si ay u guda galaan waajibaadka culus ee loo ik-maday.

"Arrimaha aan tuhmeynayo oo siyaasadeysan oo aan ka dhex-arkeyno ma rabo in aan wax ka yiraahdo. Labadaasi Guddi ee loo magacaabey ayaa ogaan doona. Ujeedada laga leeyahay dilka taliyaha iyo meesha laga soo abaabulay, marka taasi ka hor-dhici maayo," ayuu daba dhigay.

- Rabshado -

Kadib dhacdadii uu ku dhintay taliyaha, waxaa magaaladda ka dhacay banaanbaxyo rabshado watay balse Waare oo arrintaasi dul-istaagtay ayaa tibaaxay in aanan loo dulqaadan doonin in ay sii socdaan.

"Dadka cabashooda in ay muujiyaan xaq bay u leeyihiin. Dastuukooda ayaana dhigaya, xuquuqda ay muwaadin ahaan u leeyihiin bay kamid tahay. Laakiin in magaalada la foodeeyo oo rag lacag bixiyaan oo magaalada la car-qaladeeyo oo baabuur dhag-xaan ku dejiyaan, xuquuqdana kuma jirto mana yeelayno," ayuu xusay.

Shacabka ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan kana shaqeeyaan xasiloonida magaaladda, taasi oo hadii ay gacmaha hay’addah amniga ka baxda ay ka faa’ideysan karaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Waare ayaa shaaciyey in marxuumka la aasi doono subaxnimadda Khamiista ah maadaama tan iyo goortii la dilay oo ah galabnimadii Talaadada uu u yiilay sababo aanan wali la kala caddeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM