Waare oo ka hadlay mowqifka DF ee xiisada Jabuuti iyo Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii uu hoos u dhac uu ku yimid xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti, taasoo ka dhalatay hadal ka jeediyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] Magaaladda Asmara, kaasoo kaga codsaday Gollaha Amaanka Qaramada Midoobay in Eritrea laga qaado cunaqabaynta ayaa waxaa ka hadlay dowlad goboleedka HirShabelle.

Madaxwaynaha maamul goboleedka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo safar deg deg ah ugu amba-baxay Magaaladda Belad-wayne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo uu kaga qayb-galay munaasabad ayaa wuxuu ka sheegay in hadalka Madaxwayne Farmaajo uu aad uga xun-yahay, isaga oo rajo wanagasan ka muujiyay inuu ka noqdo.

Inkasta oo uu qiray Waare in dowladda Federaalka ay iyadda u madax-banaan tahay siyaasaddaha arrimaha dibadda, balse wuxuu ka dhawaajiyay inuu kala hadlay arrintaan, uuna mar kale hadli doono si buu yiri looga qanciyo Jabuuti tabashooyinka ay tirsaneyso.

"Wax walba oo Jabuuti dhibaya, way na dhibneysaa hadaan nahay reer HirShabeelle, wax walba oo Jabuuti ka xumaaneyso way na xumeynaysaa. Sidaas darteeda, waxaana rajeynayaa inay madaxda sarre ee dalka ay nala fahmi doonan, meesha ay Jabuuti nooga taalo," ayuu raaciyay Waare.

Isaga hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu Mudane Waare codsaday in xiisadda cusub ee soo kala dhex-gashay Jabuuti iyo dowladda Federaalka oo maro sidii loo xalin ahaa dhanka Diblumaasiyadda, inkasta oo uu ku nuux-nuux saday in maamulkiisa ka xun-yahay siday wax u dhaceen.

Mar wax laga weydiiyay go'aanka uu maamulkiisa ka qaadanayo hadalka Madaxweyne Farmaajo ayuu ka gaabsaday inuu fah-faahin dheeri ah bixiyo, isaga oo kusoo koobay "in sida ay uga damqadeen Shacbiga Soomaaliyeed, uu maamulkiisa uga xun yahay".

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxwayne Waare ayaa imaanaya xili uu shalay gaarey Magaalada Belad-wayne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay saraakiisha Jabuuti ee halkaas ku sugan kana tirsan howlgalka AMISOM.

Dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in Jabuuti ay isku adayeyso inay adeegsato maamulada dalka gaara ahaan HirShabelle, oo ciidamada ka joogaan degaanada maamulka, si dowlada Federaalka ugu cadaadiso inay ka laabato hadalkeeda ama raali gelin uga bixiso.

Dowlad goboleedyadda kale ee xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, illaa iyo haatan dhankooda war war ah ma aysan kasoo saarin mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay xiisadda ka dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii war-saxaafadeed kasoo baxay Safaarada Jabuuti ee Muqdisho lagu muujiyay siday uga xumaatay Jabuuti hadalka Farmaajo, iyada oo sheegtay inay "ka naxday", xili wadahadalada uu la yeeshay Madaxwaynaha dhigiisa Eritrea ku sifeysay "kuwa aan naxariis lahayn".

Xiisadda cusub ee ka dhex- qarxday dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa la sheegayaa inay ka dhalatay isbedaladda xawaaraha ku socda ee ka jira Geeska Afrika, taasoo uu hor-kacayo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, oo dib boorka uga jafay xiriirka kala dhaxeeya Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM