Waare oo looga digay in uu maamulka doorashada ku wareejiyo DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, kaga digay in uu maamulka doorashada ku wareejiyo dowladda federaalka.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, oo saxaafada kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lagu quus-qaato "talaabooyinka foosha xun ee xukuumaddu ka sameysay Koonfur Galbeed iyo Galmudug".

"Madaxweyne Waare waxaan ka rabnaa in uu hadda magacaabo guddiga doorashadda si berri aan loo dhihin waxaa talada lagu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha [federaalka] sababtoo ah waanu aragnay fool-xumadeeda," ayuu caddeeyay wasiirkii hore ee Qorsheynta.

Bishii hore Janaayo 23-keeda, 2020, madaxweyne Waare ayaa shaaciyey in soo xulista baarlamaanka HirShabelle ay bilaaban doonto September si ay madaxweyne u doortaan bisha October, 2020.

Dhanka kale, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu ku fashilmay fulinta qodobadii uu ku balanqaadey ololaha doorashada.

Qodobkaas ayaa ku saabsanaa dhinacyadda; ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, siyaasadda, qabyo-tirka dastuurka, wadahadalka Somaliland, arrimaha dibadda iyo ciidamadda.

Warsame ayaa soo dhaweeyay "Shirka Aaya ka tashiga" ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi.

Maamulada dalka ka jira ayuu hoosta ka xariiqay in ay isku mid u yihiin, balse kuwa ay dhistay Nabad iyo Nolol "kula xisaabtami doonan wax-qabadkooda iyo sida ay u xaliyaan tabashada".

"Shaqsi ahaan uma nicbanin, balse waxaan kasoo horjeednaa qaabka ay kusoo baxeen, waxaana kula xisaabtami doonaa waxay qabteen," ayuu carabka ku adkeeyay.

Ugu dambeyntii, wuxuu Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho ayuu ku booriyey in ay "isku tashaqadaan, maadaama dowladda jirta ku fashilantay dhamaan balanqaadyadii ay sameysay".

MUUQAALKA WARSAME

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM