Wadanka Sucuudiga oo Xoolaha ka qaadanaya Dalka Ethiopia

Image

Sacuudiga ayaa xoolaha ka qaadanaya Itoobiya, ganacsato Sacuudi ah oo xoolaha ka ganacsata ayaa sheegay in ay u wareegayaan maxjaro ku yaala Itoobiya .

Arrintan waxay timid kadib markii Wasaarada deegaanka iyo beeraha ee sacuudigu ay ogolaatay in xoolaha laga qaato labo maxjar oo ku yaal Itoobiya, waxaa xoolahaasi lasheegay in ay yihiin kuwo 50% ka qiimo jaban kuwii hore sacuudigu u qaadan jiray.

Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan oo u waramay wargeyska Al-Iqtisaadiya oo ka hadla arrimaha dhaqaalaha, waxaa uu sheegay in xoolaha Itoobiya ayu egyihiin kuwa Soomaaliya, kuna helayaan qiimo ka jaban intii hore, iyadoo aan la soomarin Maxjarka Jabuuti.

Maalqabeeno Sacuudi ah ayaa ka furtay Itoobiya, mashaariic xoolaha la xiriira sida meelo lagu xanaaneeyo iyo kawaanno lagu qalo xoolaha, Itoobiya waxay hilibka  u dhoofisa Sacuudiga, Imaaraadka, Urdun, iyo Jabuuti.

Talabadaan ayaa imaaneysa xilli dowlada Somalia ka qadatey khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka mowqif dhexdhexad ah.

Sacuudiga iyo Imaaradka ayaa hore u joojiyey xoolihii ay ka qaadan jireen Soomaaliya iyagoo ku sheegay sababo la xiriira bid qabka caafimaad.

Jaamac Deprani+ Garowe Online

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay waarankii soo qabashadda Ahmed Madoobe

Kulankani ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta wadahadalka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    29-01-2026

  • 12:56PM

Soomaaliya: Gollaha Wasiiradda oo ansixiyay Go'aan kasoo baxay Xasan Sheekh

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Axdiga Dhisidda Hey’adaha Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta.

  • Soomaliya

    29-01-2026

  • 11:55AM