Wadanka Sucuudiga oo Xoolaha ka qaadanaya Dalka Ethiopia

Image

Sacuudiga ayaa xoolaha ka qaadanaya Itoobiya, ganacsato Sacuudi ah oo xoolaha ka ganacsata ayaa sheegay in ay u wareegayaan maxjaro ku yaala Itoobiya .

Arrintan waxay timid kadib markii Wasaarada deegaanka iyo beeraha ee sacuudigu ay ogolaatay in xoolaha laga qaato labo maxjar oo ku yaal Itoobiya, waxaa xoolahaasi lasheegay in ay yihiin kuwo 50% ka qiimo jaban kuwii hore sacuudigu u qaadan jiray.

Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan oo u waramay wargeyska Al-Iqtisaadiya oo ka hadla arrimaha dhaqaalaha, waxaa uu sheegay in xoolaha Itoobiya ayu egyihiin kuwa Soomaaliya, kuna helayaan qiimo ka jaban intii hore, iyadoo aan la soomarin Maxjarka Jabuuti.

Maalqabeeno Sacuudi ah ayaa ka furtay Itoobiya, mashaariic xoolaha la xiriira sida meelo lagu xanaaneeyo iyo kawaanno lagu qalo xoolaha, Itoobiya waxay hilibka  u dhoofisa Sacuudiga, Imaaraadka, Urdun, iyo Jabuuti.

Talabadaan ayaa imaaneysa xilli dowlada Somalia ka qadatey khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka mowqif dhexdhexad ah.

Sacuudiga iyo Imaaradka ayaa hore u joojiyey xoolihii ay ka qaadan jireen Soomaaliya iyagoo ku sheegay sababo la xiriira bid qabka caafimaad.

Jaamac Deprani+ Garowe Online

Related Articles

Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo duqeyn ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo milatari ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    31-08-2026

  • 08:10AM

Dagaal culus oo maalintii lixaad ka socda deegaanka Basra oo ku dhaw Muqdisho

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas xooggan iyo qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhacaya goobaha lagu dagaallamayo.

  • Soomaliya

    30-08-2026

  • 12:22PM