Wadashaqeyn la'aan ka dhaxeysa ciidamada dowlada & AMISOM [Dhageyso]

Image

27 August, 2015 (GO)-Gudoomiyaha  guddiga difaaca baarlamaanka Somalia Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in aysan wax wada Shaqeyn ah ka dhaxayn Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia.

Hadalkan ayuu Xuseen Carab ka sheegay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Somalia, isagoona  tilmaamey in arrintaasi u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Somalia, 

“Ciidamada AMISOM saraakiishooda markii aan weydiinay waxaa ay noo sheegeen in ay tahay sababta in aysan jirin cid u kala dab qaadeysa Ciidamada midowga Africa iyo shacabka ku nool goobaha la qabsaday, maadaama ciidamada Milatariga Somalia aysan nala socon” Ayuu yiri Carab.

Gudoomiyaha gudiga difaaca waxa uu sheegey inay baarayaan sababta loo waayay xiriirka labada ciidan, balse haatan ay ogaadeen sababta markasta AMISOM uga baxdo goobaha laga saaro Al-shabaab taasoo ku macneeyay wadashaqyn la'aanta labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo caqabado kala kulmaysa Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:18AM

Duqeymo Xooggan oo Ka Dhacay Xuduuda Galgadud iyo Shabeellaha Dhexe

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Taliska Afrika ee Mareykanka ayaa shaaciyay falal duqeyn ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ah.

  • Soomaliya

    30-08-2025

  • 02:35PM