Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu dhisayo hannaan rasmi ah oo lagu yeelan doono wadatashi siyaasadeed oo joogto ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.

Heshiiska waxaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Danjire Cabdulkaadir Xuseen Cumar.

Ujeedada heshiiskan ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed, laguna horumariyo danaha labada dal ee heer gobol iyo heer caalami. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, amniga, xasilloonida gobolka, iyo arrimaha caalamiga ah ee ay labada dal danaha wadaagaan.

Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso iskaashi dhow oo u horseedi kara nabad, horumar iyo barwaaqo guud ahaan Geeska Afrika.

Inkasta oo aysan jirin faahfaahin dheeri ah oo laga bixiyay qodobbada ku jira heshiiska, haddana mas’uuliyiinta labada dal ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid dhabbaha u xaareysa xiriir siyaasadeed oo qoto dheer.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan, iyadoo labada dal ay muddo dheer ku howlanaayeen sidii ay u sii xoojin lahaayeen iskaashigooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM