Wafdi ka socda dowladda Somalia oo loo diiday inay tagaan Garowe

Image

MUQDISHO, Somalia - Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo Wasiirro iyo Xildhibaanno isagu jira loo diiday maanta inay tagaan Caasimadda Puntland, ee Garowe.

Wafdigan ayaa diyaaraddii ka qaaadi lahayd Garoonka diyaaradaha Muqdisho dulimaadkeedii baaqday kadib markii ay Wasaaradda Amniga Puntland u diiday ogolaansho ah inay ku degto Garoonka diyaaradah ee magaalada Garowe.

Illo Xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in lagu fashilmay dadaallo ay sameeyeen Isimada Puntland, oo lagu doonayay in Mas'uuliyiinta dowladda Somalia loo ogolaado inay soo gaareen magaalada Garowe.

Xukuumadda uu waqtigeedu dhamaadey ee uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas ayaa 29-kii bishii December soo saartey go'aan ay Saraakiisha Villa Somalia uga mamnuucday inay kasoo degaan Garowe mudada lagu guda jiro doorashooyinka.

Isimada Puntland ayaa isku dayay inay faragelin ku sameeyaan go'aankan, balse ku guul-dareystay kadib markii Madaxtooyadda ay sheegtay inaysan waxba ka bedeleynin mowqifkeeda.

Si kastaba, arrimaha ayaa kusoo beegmaya xilli hal maalin ka hartay waqtiga doorashada Madaxweynaha Puntland, taasoo ay isku soo taageen Musharaxiin dhowr ah, oo uu ku jira Cabdiweli Gaas, kaasoo shantii sano ee uu xafiiska joogay ku fashilmay amniga iyo dhaqaalaha, laguna eedeeyay maamulkiisa musuq-maasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM