Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo gaaray Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Isniin, September 1, 2014 [GO] Wafdi ka socda Dowladda Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magalada Kismaayo xarunta mamulka Jubbaland.

Waxaa hoggaaminaya wafdigaan madaxa Hay'adda hormarinta Turkiga ee TIKA Axmed Gocar iyo Madaxa Hay'adda Laanqeyrta Cas Mustaf Yilmas, wasiirro mamulka Axmed Madoobe ka tirsan  ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay.

Masuuliyiintan  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay socdaalkooda Kismaayo inuu salka ku hayo sidii barnamijyo hormarineed loo hirgalin lahaa si dadka iyo mamulku uga faa'iidaystaan waxayna kormeer ku samayn doonaan meelaha u baahan in hormarinta lagu sameeyo.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa horay beesha caalamka ugu baaqay inay ka caawiyaan dhanka hormarka si loo gaaro isku filnaansho waxayna masuuliyiintan Turkiga ka socda madaxtooyadda kula kulmayaan saacadaha soo socda madaxda mamulka Jubbaland.

Madaxwayne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Lugadheere ayaa wafdigan Turkiga ka socda ku weheliya socdaalkooda.

Bartamaha bishaan ayaa lagu wadaa magalada Kismaayo in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gaddo kaasoo markii hore qorshihiisu ahaa 21-ka bishaan balse loosoo dadajiyay ka dib markii lagu guulaystay Hoggaamiyaha Mucaaradka Jubbaland Barre Hiiraale inuu nabadda qaato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM