Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu Kala Reebey Nairobi [XOG]

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo kaga qayb galaya magaalada Abdijan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee Madasha iskaashiga wadamada Midowga Afrika iyo Yurub ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey waftdigii uu hogaaminayey intooda badaneyd waxaa lagu reebey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida Ilo xogogaal ah u sheegeen warsidaha GO ayaa diyaaradii gaarka aheyd ee Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa toos uga qaadi laheyd Nairobi waxaa loo diidey iney ka dagto dalka Ivory Coast.

Diyaaradda Madaxweynaha u qaadan lahaa magaalada Abidjan oo aheyd Freedom Air ayaa sida aan ka ogaaney saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Kenya ayaa wadamadii ay kor-mari laheyd 3 wadan ogolaadeen halka Sadex kale diideen iney ko-duusho arrimo amni dartood (Lack of Security Clearance).

" Xafiiska Madaxweynaha oo kaashanaya Wasaarada arrimaha dibada iyo laamaha amniga ayaa laga rabay iney qabtaan howshaan asbuucyo ka hor si loo xaqiijiyo in Madaxweynaha uusan la kulmin dhacdadaan oo kale," sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka shaqeeya Wasaarda duulista Hawada ee dowlada Federaalka Soomaaliya kasoo diidey in aan magaciisa xusno.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Yusuf Garaad
Warsidaha Garowe Online ayaa dhinaca kale fahansan in waftiga Madaxweynaha Soomaaliya damacsanaa in shirka wadanka Ivory Coast ka socdey kala qayb galaan ay tiradooda gaareysay 19 kuwasoo u qaybsanaa; 16 qof ka socota xafiiskiisa, 3 xildhibaan ( 2 aqalka sare+ 1 aqalka Hoose) iyo Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya. Qaban-qaabiyaasha shirka ka socdey ( Ivory coast) ayaa waxay diideen tirada Wafdiga Soomaaliya uu ka kooban yahay iyagoo u sheegey in loo ogol yahay oo kaliya in Madaxweynaha Soomaaliya la socdaan Shan xubnood oo kaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib uga dhacey furitaanka kulankaan ayaa sida warsidaha GO fahansanyahay waxaa magaalada Nairobi ka qaadey diyaarad ay leedahay shirkada Kenya Airways taasoo ku jirtey duulimaadyadeeda caadiga ah ay ku tagi jirtey magaalada Abidjan iyadoo safarkaan ku wehiliyeen 5 xubnood oo ka tirsan waftdigiisa.

Madaxda isaga dambeeyey xilka ugu sareeya Soomaaliya ayaa waxaa lasoo gudboonaado maamul xumo kasoo wajahda xubnaha xafiiskiisa ka tirsan kuwasoo gabi ahaantooda isku qora booqashooyinka Madaxweynaha ku tagayo kulamada caalamiga ah.

Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa maamul xumo midaan lamid ah ka sameeyey kulan Ra'isal wasaare Khayre kaga qayb galey cariga Mareykanka magaaladiisa New York hlakaasoo kaga qayb galayey kulanka Qaramada Midoobey.

GAROWE ONLINE 

 
 
 

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM