Wafdiga uu hogaaminayo Farmaajo oo u ambabaxay China

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa u ambabaxay China, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, maanta oo Arbaco ah.

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa kusii jeeda China, halkaasoo uu uga qaybgeli doono shirka Iskaashiga dalalka Qaaradda Afrika iyo dalka Shiinaha, kaasoo diirada lagu saari doono dhinacyadda Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo arrimo kale.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, Xilldhibaano, Saraakiil ciidan oo qaybaha kala duwan ee Hay'addaha amaanka dalka ayaa Madaxwayne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo dhinacyo kala duwan isugu jira kasii sagootiyay garoonka diyaaradaha.

Inta uu ku sugan yahay China, waxuu Farmaajo la kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi, Xi Jinping, kaasoo Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyay inuu casuumaad rasmi ah uu u soo diray.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee uu Farmaajo ku tago dalka China tan iyo markii loo doortay xafiiska ugu sareeya Villa Soomaaliya, bishii Fabuary ee sanadkii hore 2017, isagoo horey safaro badan uu Madaxwaynaha ku kala bixiyey dalal dhowr ah.

Safarkaan uu ku bixiyay Farmaajo dalkaan ku yaala Qaarada Asia ayaa kusoo beegmaya xili Isbuucyo kahor uu kasoo laabtay safar uu ku bixiyay Jabuuti iyo Turkiga, kuwaasoo xiriir wanaagsan oo dhanka Ganacsiga la leh dowlada China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM