Wajiga dadan ee Fahad Yaasiin "ku ciqaabo" saraakiisha NISA

Image
Warbixinta natiijada baaritaan loona gudbiyey ra'iisul wasaaraha ayaa kashiftay in tan iyo 2019-kii la waayey 11 sarkaal. [Photo: GO]

MUQDISHO, Soomaaliya – Kow iyo tobban sarkaal ka tirsaneyd NISA ayaa maqal iyo aragti lagu waayey qaarna "si farsameysan loo dilay" wixii ka dambeeyay 2019-kii, sida ku cad warbixin guddi xaqiiqo raadin u diray xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Warbixintan lagu hagaajiyey xafiiska Maxamed Xuseen Rooble 17-kii July, 2021 oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa fahfaahineysa magacyada saraakiisha, sababta loo beegsaday, shaqooyinka ay haayeen iyo xiriiradooda.

Sida ku cad warbixinta, saraakiishan qaarkood waxay si dhow ula shaqeynayeen ama ay macluumaadyo gaar ah ka haayeen agaasimaha guud ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Daahir.

"Sababaha" loo beegsaday saraakiisha

Gudiga Xaqiiqa Raadinta Dilalka Qorshaysan ee Saraakiisha NISA oo warbixinta diyaariyey ayaa saddex sababood kusoo koobay arrimaha ay salafsadeen xubnahan;

1. SaraakiIshan ayaa xog-ogaal u noqday kiisas halis ah, kuwaas oo hadii ay banaanka imaadaan halis wayn ku noqon karta dadkii ku lug lahaa.

2. Qayb kamid ah saraakiishan waxay qudhooda ku lug lahaayeen kiisas dilal qorshaysan, waxaana la isla gartay in la soo afjaro si loo tir tiro cadaymaha kiisaskaas.

3. Qaar kalena waxay aad ugu dhawaayeen ama looga shakiyay inay xog siiyaan xubno ka tirsan midawga musharaxiinta & sirdoonka Somaliland, waxaana si farsamaysan loogu dilay qaabab kala duwan.

Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Iyadda oo dhamaan 11-ka sarkaal ee nolol iyo geer lagu waayey ay 4 kamid ah yihiin dumar, waxaa kamid ah Ikran Tahliil Faarax. Inkasta oo guddigu shaaciyey in ay baaris ku haayaan kiiskan, haddana waxay rumeysan yihiin in ay galaafatay wax ka ogaanshiyaha macluumaadyo dadka laga qarinayo.

"Arintaan [beegsiga saraakiisha] waxay aad usoo muuqatay markii ay doorkeedii ku timid Ikraan Farah Tahliil oo aad ula soo shaqaysay Kulane & Fahad, sababta keentay in aad loo hadalhayo ayaa ah in ay dowlada dhexdeeda qof la yaqaano oo magac ku leh ay ahayd, halka kuwa kale aanan sidaas loo garanayn. Gudiga wuxuu RW Rooble ka codsanayaa in xilka laga qaado Fahad, Kulane & Yasin Farey si baaris hufan oo cadaalad ah ay u helaan kiisaska hoos ku xusan," ayay warbixintu tiri.

Kulane ayaa shalay waxaa xilka agaasimaha shaqaalaha NISA looga qaadey wareegto kasoo baxdey xafiiska ra'iisul wasaare Rooble kadib markii uu jebiyey amar ahaa in aan is-hor-taag lagu sameyn karin musharaxiinta doorashooyinka.

"Kiiska baarista Ikraan wali waa baaris socoto, ma doonayno inaan ka hordhacno, sababtoo ah waxaan wadnaa dabagal culus oo toos ugu lug leh Fahad & Kulane, inkastoo qofka hawsha sida toos ka ugu lug leh uu yahay Kulane, hadana wuxuu u adeegayay Fahad oo ahaa shaqsiga rabay inay sidaan wax u dhacaan. Balse waa baars socoto... Nala soco Insta Allah," ayuu guddigu ku yiri warbixinta.

Wallow maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo uusan ku qanacsaneyn talaabadaas, Kulane iyo saraakiil kale oo aad ugu dhow madaxda waqtiga ka dhamaadey waxay u taagan yihiin kursi Xildhibaanimo si ay xasaanada uga badbaadaan dacwad lagu soo oogo haddii hogaankooda ku fashilmo doorashada.

"Maamulihii" arrimaha ganacsiga Fahad

Xidigle Cabdisamad Faarax Diiriye oo warbixintu sheegeyso in uu ahaa maamulihii arrimaha ganacsiga Fahad Yaasiin Daahir ayaa kamid ah shaqsiyaadka qoysaskoodu baadigoobayaan.

"Cabdisamad waxaa lagu qabtay inuu sirdoonka Somaliland la wadaagay ama u dusiyay xogta ganacsi ee ah inuu Fahad yahay mifkiilaha ugu maalgashiga badan ee ASTAAN TV," ayay warbixintu daaha ka rogaysaa.

Bishii July, 2020 ayay ahayd markii Somaliland ay xirtey agaasimihii Telefishinka Astaan Tv ee Muqdisho. August, 2020 oo maxkamad lasoo taagay waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeeyo Fahad Yaasiin.

November, 2020 waxaa Cabdimanaan Yuusuf lagu xukumay 5-sano oo xarig ah iyo ganaac 2 milyan doolar-ka Mareykanka ah. December, 2020, wuxuu dib u. helay xorriyadiisa kadib waan-waan daaha gedaashiisa.

Dhanka kale, hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin warbixintan ama ka hadlin dhamaan kiisaskan. Isku-dayo xiriir oo warsidaha Garowe Online u sameeyay si uu wax uga waydiiyo guud ahaan qadiyadahan ayaan guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM