Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia oo Garowe ku soo wajahan

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ergeyga QM u qaabislan arrimaha Somalia Michael Keating ku soo wajahan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe maalinta Axada 3 April,2016.

Ergeyga ayaa la filayaa inuu ka qayb galo kulamada magaalada Garowe uga socda waftiga Ra'isal wasaaraha Somalia iyo dowlada Puntland kuwaasoo lagaga hadlayo sidii nidaamka 4.5 uloo aqabalsiin lahaa Puntland halka xog kale sheegeyso inuu goob joog ka ahaanayo heshiiska labada dhinaca ka gaarayaan arrimahaan maalmaha soo socda.

Magaalada Garowe ayaa waxaa kulamo maalmihii lasoo dhaafey ku lahaa guddiyo kala matalaya Puntland iyo Federaalka iyadoo arinkaas goob joogayaal ka yihiin madaxweyne Gaas iyo Ra'sal wasaare Cumar Cabdirashid. 

Xogaha soo gaaraya Garowe online ayaa sheegaya in kulan u socdey guddi madaxweynaha Puntland u saarey wadaxaajoodka labada dhinac qoraal ay soo diyaariyeen u gudbiyeen Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha iyadoo qodobo la isku hayey la filayo iney heshiis ka gaaraan.

Dowlada Puntland golayaasheeda iyo shacabka oo isku duuban ayaa horey u diidey aqbalaada nidaamka qabiil ku qaybsiga Barlamanka Federaalka Somalia ee 4.5  iyadoo diidamadooda horey ugu gudbiyey wakiilada beesha caalamka kuwaasoo booqasho ku yimid magaalada Garowe.

Ra'isal wasaraha Somalia oo muddo asbuuc ku dhow ku sugnaa Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ayaa olole xoogan ugu jira sidii Puntland u qaadan laheyd nidaamka 4.5 kaasoo dowladiisa go'aansatey.

Golaha amaanka qaraar ay soo saareen asbucii lasoo dhaafey ayaa lagu sheegey in dowlada Xasan Shiikh aysan sameyn karin wax koror siimo ah hadii waqtiga ka dhaco kaasoo ay ka hartey muddo Afar bilood ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM