Walaac ka dhashay dhambaalada tacsida oo kusoo batay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Todobaadyaddii lasoo dhaafay baraha bulshadda ee Soomaalida ay ku xiriirto waxaa hareeyay dhambaalo tacsi ah taas oo walaac ku abuurtay dadka xilli uu dalka ku faafay Covid-19.

Dadka ugu badan ee tacsida loo dirayey ama dirayey waxay ku sugan yihiin magaala madaxda waddanka ee Muqdisho, halkaas oo la sheegay in caabuqa uu si aayar ah ugu faafay bulshadda dhexdeeda ah.

Xubnaha tacsida diray ama loo dirayay waxaa kamid ah mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda, kuwaas oo xubno kamid ah qoyskooda ama waalidiintooda uu galaaftay xanuunka safmareenka ah.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka oo xaqiijisay in Isbitaalada gaarka loo leeyahay laga soo wariyey kiisas ah Coronavirus ayaa uga digtay in ay soo gudbiyaan marka xaaladoodu kasii darto.

Qabri-qodayaasha Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey in ay dareemayaan koror badan oo geeri ah maalintii. Tusaale ahaan, hal xabaal oo kamid ah kuwa ku yaala caasimada waxaa lagu aasaa maalintii 30-40.

Madaxtooyadda ayaa horey u saadaalisay in hadii tirada dhimashada caasimadda ay maalintii gaarto 70 loo aaney karo colkaan qarsoon ee sida wadarta ah u laaya dadka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in 48-kii saac ee lasoo dhaafay uu xanuunka ku dilay Muqdisho ku dhowad 100.

Sagaal kamid ah dadkaas ayaa ku geeriyooday xarunta karantiilka, wallow saraakiisha ay sheegeen in afar kamid ah laga waayey xanuunka, todoba kelana ay dhinteen iyagoo la sugayo natiijadooda.

 

Isku-tashi

Siyaasiyiinta iyo culimada caafimaadka qaarkood ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka in ay ka gaabisay doorkeeda hogaamineed ee la tacaalida xanuunka iyo buraarujinta dowladda.

Axmed Macalin Fiqi, mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ahna Wasiirka Amniga Galmudug, ayaa daboolka ka qaade in xaalad dayac ah ay ka jirto xarunta karantiilka, loona baahan yahay in wax laga qabto.

"Isbitaal Martiine iyo bukaanada la keenayo In si wanaagsan loo maareeyo marmarsiiyo la’aan, waxey halbeeg u noqonaysaa guusha laga gaari karo ka hortagga xanuunka Coronaviruska!," ayuu yiri.

Mahad Salaad, xubin ka tirsan Golaha Shacabka isla baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ku booriyey xukuumadda in ay wax-qabad muuqda la timaado.

"Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada in ay xil gaar ah iska saarno badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto," ayuu tibaaxay.

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa cod dheer adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in dadku isku-tashi ku wajahaan ka hortagga xanuunka "maadaama dalka uusan awood u lahayn".

"Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa xakamaynta faafista cudurkan oo kahortag maahe aan daawo lahayn," ayuu ku adkeystay.

Guud ahaan Soomaaliya, waxaa laga xaqiijiyey 480 kiis oo ah Coronavirus. Geeridu waxay sii mareysaa 26, dadka ka bogsadayna waa 14, sidda ku xusan warbixintii shalay kasoo baxay Waaxda Caafimaadka dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM