Waqtiga dib loo bilaabayo bixinta baasaboorada oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay in in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta baasaboorka.

Qoraal kasoo baxay hay'adda ayaa lagu wargeliyey muwaadiniinta horey codsiyadda u gudbiyey in ay xaadiraan xarumaha kala duwan ee hay'addu ku leedahay gobolada iyo magaala madaxda.

"WARGELIN. Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Horaantii sanadkan aynu ku jirno ee 2020 ayay ahayd markii hay'addu shaacisay in si ku meelgaar ah loo hakiyey bixinta baasabooradda sabab la xiriirta "howlo farsamo iyo horumarin ah".

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in hakintaas ay la xiriirtay xaaladaha ka dhashay safmarka Coronavirus iyo xarun cusub oo hay'adda looga dhisayey caasimadda waddanka ee Muqdisho.

Talaabada dib loogu bilaabayo bixinta baasabooradda ayaa kusoo hagaageysa xilli dowladdu shaacisay in dib loo furayo duulimaadyadda gudaha oo Covid-19 awgiisa loo joojiyey si ku meelgaar ah.

Kiisaska fayruskan asal ahaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha ee gudaha Soomaaliya ayaa ka badan saddex kun, halka bogsashaddana ay kor-u-dhaafeyso 1,000, geeriduna ay ku dhow-dahay 100.

Hoos ka akhriso qoraalka hay'adda

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hadaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:

-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)

-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM