Waqtiga xayiraada laga qaadayo duulimaadka maxaliga oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay sheegtay in horaanta asbuuca soo aadan la qaadi doono xayiraadda duulimaadyadda gudaha ah.

Wasaaradda Duulista Hawada xukuumadda Muqdisho ayaa ka dhawaajisey in talaabadaas ay mid ku meelgaar ah isla markaana ay la socon doonan xaaladda.

Balse, wasaaradda ayaanan carabaabin taariikhda saxda ah ee la qaadi doono xayiraaddaas oo safmarka Coronavirus awgiis loosoo rogay.

Hase ahaatee, warbaahinta maxaliga ayaa warineysa in go'aanka lagu laalayo xayiraadda uu soo bixi doono 8-da bishan June, 2020-ka.

Warka qoraalka ah ee wasaaradda ayaa waxaa nan soo hadal-qaadin qorshaha uga degan duulimaadyadda caalamiga ah oo la joojiyey.

Bishii Maaj 29-keeda ayay ahayd markii lasoo rogay go'aanka xayiraadda ee duulimaadyadda gudaha ah marka laga reebo daawooyinka iyo raashiinka quutul daruuriga u ah nolosha bini'aadamka.

Kiisaska xanuunka Covid-19 ee gudaha Soomaaliya ayaa maraya 2,089, dhimashadana waxay cagcageyneysaa 79, bogsashadana 380.

Hakinta duulimaadyadda caalamiga ah iyo kuwa gudaha ayaa kamid ahaa talaabooyinkii ugu horeeyay ee dowladdu u qaadey xakameynta musiibadan, balse halista cudurka waxaa muuqata in ay jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM