Wararka ku xeeran kiiska Sufyaan Sheekh Axmed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalmihii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta bulshadda la isla dhexmarayay sheekooyin kala duwan oo ku saabsan Sufyaan Sheekh Axmed kaasoo loo garan-og-yahay Taakeeye.

Taakeeye oo hadda ku nool caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa kalkii hore wuxuu baraha bulshadda ku qabsaday in uu guursaday afar xaas ah isla markaana hal hoy u wada degan yihiin.

Intaas waxaa wehlisay in uu u gefay calanka Soomaaliya kuna qeexay mid bartamihiisa ay ku jirto astaanta diinta Masiixiga ah dhowr jeerna diidey in uu maamuuso.

Balse waxaa soo if-baxdey in laga soo tarxiilay Mareykanka kuna lug-leeyahay eedeymo kala duwan kuwaasoo isugu jira dilka wariyeyaal badan iyo fal dambiyeed kufsi ah.

Inkasta oo uusan si fahfaahsan isaga fogeyn ama u qiran hadalo is-burinayana kaga jawaabay eedeymaha, haddana waxaa isa soo taraya dadka u jeedinaya isla markaana sheegaya in ay goobjooga ahaayeen goorta uu dilayey saxafiyiinta.

Saciid Aadan Anteeno, oo kamid ahaa wariyeyaashii hore ee Radio Muqdisho oo Sufyaan uu sheegtay in uu kasoo shaqeeyay, ayaa shaaciyey "sababta uu u dilay wariyeyaasha shanta ah" wallow ay jiraan warar sheegaya in ay la xiriirtay aano qabiil.

"Ninkani sababta uu u dilay wariyeyaasha ma aysan ahayn wax qabiil la xiriira, wuxuu doonayey in uu ka shaqeeyo Radio Muqdisho wuxuuna kamid ahaa askartii la socotay Jeneraal Maxamed Faraax Caydiid, alle ha u naxariistee; wuxuu jecleystay in uu idaacadda ka shaqeeyo, sidda aan annigu maqlay, 'inta nimankan joogaa niyow waxba noqon maysid waa in aad nimanka iska hor leexisaa' baa dad ku yiraahdeen. Mas'alo basiid ah buu ku dilay," ayuu Anteeno yiri Khamiista maanta ah.

Magacyadda wariyeyaasha ayuu ku sheegay; Abuukar Maxamed Nuur [Abuukar Wariye], Cabdulqaadir Cali Iidle [oo waqtigaas Agaasime ahaa], Mahad Aadan Xasan, Cabdi Sheekh Cali iyo Cabdi Xaange.

"Ninkani waa dhiig-cabe waana in maxkamad lasoo taagaa sharciga lagu qaadaa," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Saciid Anteeno oo su'aal geliyey Islaanimada "uu sheeganayo Sufyaan".

Waa kuma Sufyaan Sheekh Axmed?

Wareysiyo kala duwan oo uu bixiyey midkood ayuu ku sheegay in uu soo noqdey wariyihii gaarka ahaa ee Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waqtigii uu ka shaqeyn jiray Warbaahinta Dowladda.

Kahor inta aan laga soo tarxiilin, waxaa la wariyey in ay Canada geysay hooyadda xaaskiisa koowaad. Balse, markii ay kusoo oogtay dacwad isku day dil iyo kufsi ayuu u baxsaday Mareykanka.

Sidda ay warbixinaddu qeexayaan, Sufyaan oo Mareykanka ku galay magac iyo kiis kale ayaa markii hooyada ku dabashay magaalada uu Mareykanka ka degay kuna furtay kiis kale kaasoo sababay in lasoo musaafuriyo.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karo dhamaan macluumaadka ku geedaaman kiiska Sufyaan oo xusay in uu afar sano ugu xirnaa Mareykanka markii uu "diidey in uu la shaqeeyo CIA-da".

Dadka sawirka ka muuqda waa; Sufyaan Sheekh Axmed, Sahra Kiin, oo ah qofka fadhiya, iyo haweenay kale.

Sawirkan uu helay Garowe Online waxaa kuwada jira Sufyaan oo ah shaqsiga taagan, Sahra Kiin, wasiir hadda ka tirsan xukuumadda Puntland, iyo haweenay kale.

Sahra Kiin, wasiir ku xigeenka haweenka xukuumadda haatan jirta ee Puntland oo wariye ka ahayd Wakaaladda wararka SONNA kalkii uu saxafiga ahaa Sufyaan, ayaa si lamid ah sheegtay in uu dilay laba wiil oo iyada la dhashay.

Iyadda oo wixii baaris ah looga fadhiyo hay'addaha ku shaqadda leh, tani ayaa la macno ah in Sufyaan ku lug-yeelan karto fal-dambiyeedyo kale iyo in uu la socday qabqablayaashii dalka qabsaday markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee waddanka sanadkii 1991-dii.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay markii ay dhacdey dowladdii Siyaad Barre ayaa sababay dilalka salka ku haya aanooyin qabiil, boob hanti dowladda iyo shacabka si lamid ah barakac aad u baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo martiqaad u fidiyey madaxweynaha Tanzania

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Samia Suluhu ay aqbashay casuumaada madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:09AM

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM