Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud

Image

CADAADO, Soomaaliya - Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada Daraawiishta ee maamulka Galmudug ayaa dagaal qaraar ku dhex-maray tuulada Dhagax-yaale oo 50 KM ujirta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo yimid kadib markii ciidamada Galmudug iyo AlShabaab ay siyaabo kala duwan usoo gaareen degaanka ayaa lasoo sheegayaan inuu keenay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.

Xogta uu helayo warsidaha GO ayaa tilmaamaysa in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay kusoo horeeyeen degaanka, iyaga oo khudbado ay wadashaqayn ku dalbanayaan ujeediyay dadka ku dhaqan Dhagax-yaale.

Ciidamada maamulka Galmudug oo kolkii dambe yimid degaanka ayaa iska hor-imaad culus kala kulmay xoogaga Al-Shabaab, taasi oo dhalisay dagaal fool ka fool ah, oo dhinacyadda ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in dadka degaanka ay bilaabeen barakac, iyaga oo raadsaday goobo ay kaga bedbaadayaan rasaasta culus oo ay is-dhaafsanayaan dhinacyadda, xili ay gaareen tuulooyinka ku dhow.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka ayaa u sheegay warbaahinta inay “guulo waawayn” ka gaareen dagaalka, inkasta oo ay ka gaabsadeen bixintan tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho.

Xoogaga cilaaqaadka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida ayaa dhinacooda waxay shaaciyeen inay si buuxda ugula wareegeen gacan ku haynta tuulada Dhagax-yaale, wallow aanu jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya.

Tuulada Dhagax-yaale oo ahayd meel maran bilooyinkii lasoo dhaafay mana jirin dhaqdhaqaaq si buuxda u maamulayay, balse in-dhawanahaan ayaa waxaa siyaabo kala duwan usoo gaarayey Al-Shabaab iyo ciidamada Galmudug.

Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan lasoo sheegayaa inay tahay mid xasiloon, inkasta oo wararka ay soo jeedinayaa dhaqdhaqaaqo ay wadaan labada garab, taasi oo xoojineysa cabsida laga qabo inuu dagaal mar kale qarxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM