Wararkii ugu dambeeyay dilal ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dilalkaan oo siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho saacadihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa kan horey laga soo wariyay Degmada Xamar-wayne ee gobolka Banaadir, barqinimada maanta oo Arbaco ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidanka dowladda, kaasoo wiil dhalinyaro ahaa, islamarkaana Mooto Bajaajle ahaa uu Rasaas ku furay kadib markii ay murmeen.

Darawalka oo goobta looga qaaday dhaawac ahaan ayaa geeriyoodey markii la geeyay Isbitaalka, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaad.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyay sidoo kale, in laamaha amaanka dowlada ay qabteen Askarigii falkaan geystay, islamarkaana loo dhaadhiciyey Saldhiga Degmada.

Dhanka kale, Dabley hubeysan ayaa waxay ku toogteen Xaafadda Cali Shire ee degmada Howlwadaag Nabadoon caan ka ahaa halkaas, islamarkaana lagu magacaabi jiray Xuseen Jimcaale Geeddi.

Raggii Bastooladaha ku hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday ka hor inta aysan soo gaarin goobta ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo Baaritaano goobta ka bilaabay.

Maalmihii u dambeeyay amaanka Muqdisho ayaa umuuqday mid faraha ka siibaxayey iyadoona tani loo sababeynayo in laamaha amaanka ay ka muuqato Habac-saneen wayn, inkastoo isgoysyadda caasimada ay buux-dhaafiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM