Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar kala gedisan ayaa laga helayaa Qarax gaari oo ka dhacay duhurnimadda Isniinta maanta ah xaafada Kaawa-goday ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay xaqijiyeen hay’addaha amniga.

Qaraxa oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu beegsaday Isgoyska Kaawa-goday oo ah meel mashquul badan, islamarkaana ay ku yaalin goobo kala ganacsi oo kala duwan.

Inta illaa hadda la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku geeriyootey qaraxa, halka ku dhawaad 15 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhamaan ahaa dad shacab ah, oo suuqa ku sugnaa.

Saraakiisha ciidamada amniga ayaa tilmaamay inay fashiliyeen weerarka, iyaga oo gacanta ku dhigay ruux la sheegay inuu ka degay gaari wax yar kahor inta uusan qaraxin, kaasi oo Saldhiga degmada la geeyay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online inay arkeen burbur xoogan, meydad iyo dhaawacyadda dad, kuwaasi oo uu waxyeelayay qaraxa, oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan caasimadda.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse, kooxda Al-Shabaab oo inta badan falalka noocaan ah ka fulisa magaalo madaxda Soomaaliya ayaa geystay weeraradda noocaan ah ee dalka ka dhaca.

Sanadkii hore 2017, maalmo kadib, doorashadii Madaxwayne Farmaajo ee 8-dii Fabraayo, ayay ahayd markii weerar is-miidaamin ah uu ka dhacay isla goobtaan, kaasi oo dilay tobanaan shacab ah, kaasoo ay Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM