Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxyadda ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo loo adeegsaday gawaari oo ka dhacay isgoyska Jubba ee magaaladda Muqdisho, barqanimadii Sabtida maanta ah.

Illo dhinaca amaanka ah ayaa u sheegay Garowe Online in weerarka is-miidaaminta ah lagu beegsaday dhismo ay degan yihiin wasaaraddo ka tirsan xukuumada Soomaaliya.

Wasaaradaha ku shaqeeya dhismahaasi ayaa kala ah; Shaqada iyo shaqaalaha, iyo Howlaha Guud, waxaa si lamid ah degan taliska booliska gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa intaasi ku daraya in qaraxyadda ay geysteen burbur hantiyadeed iyo waxyeelo soo gaaray dhismaha.

Qaraxyada kadib, waxaa lasoo wariyay toogasho ay geysanayeen dabley hubeysan, kuwaasoo galay gudaha dhismaha, sida wararku sheegayaan.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda waxay tilmaamtay in ay la wareegtay dhismaha, wallow aanan wali la hayn war kasoo baxay hay’addaha amaanka.

Inta la xaqiijiyay Shan qof ayaa ku geeriyootay falkaasi, halka dhaawaca la sheegay in ay gaarayaan illaa iyo 11 ruux, kuwaasi oo qaarkood halis ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhaawacmay ay ku jiraan mas'uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaraddaha, inkasta oo aan wali la hubin tirada saxda ah.

Bishii Julaayo sanadkii 2018 ayay ahayd markii weerar toos ah iyo qaraxyo lagu beegsaday xarunta Otto Otto, oo ay degan yihiin wasaarado ay kamid tahay tan amniga gudaha.

Habeenkii Khamiista ayay ahayd markii qarax gaari lagu soo rkaibay uu ka dhacay isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho lagu dilay Injineer da'yar oo dhismaha guryaha ka shaqeeya.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili ciidamada ay ka cabanayaa mushahar la’aan isla markaana ay soo faarujiyeen fariisimahooda, kuwaasi oo qaarkood ay durbadiiba la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM