Wararkii ugu dambeeyay Qarax oo ka dhacay Muqdisho [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay nawaaxiga dhismaha Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha laamaha amniga dowladda ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay marka joojiyeen Gaari ay ka shakiyeen oo isku dayay inuu si xoog ah uga gudbo barta-koontarool ee laguu baaro gaadiidka u gudbaya dhanka Madaxtooyadda.

Gaariga ayaa qarxay markii ay ku adkaatey inuu goobta ka gudbo, iyadoo jugta qaraxa oo ahaa mid xooggan laga maqlay xaafaddo fog oo katirsan magaalada Muqdisho, oo maalmihii ugu dambeeyay ay qaraxyada kusoo kordhayeen.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, kuwaasi oo labo kamid ah ay ahaayeen Askar ku sugnayd Barta-koontarool ee joojiyay Gaariga kahor inta uusan is-qarxin.

Muuqaal laga soo duubay goobta ayaa muujinaya gawaari gubatay, oo Bajaaj u badan iyo gaadiidka Gurmadka oo daad-gureynaya dhaawacyada, kuwaasi tiro ahaan lagu qiyaasi illaa 10 qof oo shacab u badan.

Goobta qaraxa waxay in ka yar 200 oo Tallaabo [meter] u jirtaa Villa Soomaaliya, iyadoo kaabiga dhanka Koonfureed uga hayso xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, waxaana dhanka waqooyi-bari uga began dhismaha Baarlamaanka.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo noqonaya kii labaada oo mudo 3 maalmood gudahooda ka dhaca Muqdisho, iyadoo midkii hore uu ka dhacay Khamiistii lasoo dhaafay irida Hotel Wehliye.

Saacado kahor qarax kale ayaa ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer, kaasi oo ka dhashay Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, oo ka dhacay meel Ciidamada dowladda ku baaraan gaadiidka ka yimaada gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaariga ayaa qarxay kadib markii Ciidamada ay ka shakiyeen, kaasi oo ku xannibay wado bacaad ah oo Askarta ugu tageen si ay u ubaaraan, balse markii ay u dhawaadeen uu qarxay, sida uu sheegay Sarkaal katirsan Booliska.

Muqdisho ayaa waxaa bartilmaameed u ah Al Shabaab oo weeraro joogto ah ka fulisa, waxaana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Taariikhda Caasimadda uu ahaa midkii 14-kii October kaasi oo ay ku dhinteen 512 qof.

Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxda sare ee dalka uu u dhaxeeyo Khilaaf xooggan oo siyaasadeed kaasi oo salka ku haya Mooshinka Kalsooni kala noqoshada ah ee laga keenay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Hoos ka Daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Qaraxa:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM