Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii gilgilay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gaari walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimada Soomaaliya, maanta oo Sabti ah.

Qaraxa koowaad ayaa laga soo wariyey meel ku dhow isgoyska Sayidka ee magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca, halkaasi oo uu ka dhow-yahay dhismaha Golaha Shacabka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu dhacay iyadda oo Xildhibaanada ay kasoo baxayeen fadhigii ay maanta lahaayeen.

Saraakiisha amniga ayaa laga soo xigtay in qaraxan uu dhacay iyadda oo darawalka uu isku dayey in uu si xoog ah ku dhaafo kontaroolka oo laga ilaaliyo amniga baarlamaanka.

Dhanka kale, qaraxa labaad ayaa waxa lasoo sheegay in uu ka dhacay Galbeedka halka uu ka dhacay midka koowaad.

Ciidamada ammaanka ayaa joojiyey gaariga uu ka dhashay qaraxa labaad xili darawalka su'aalo lagu waydiinayey isgoyska KM 4 ee bartamaha Muqdisho.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda weeraradaan oo imaanaya iyadda oo muddo bil ah ay xasilooneyd caasimadda.

Khasaaraha dhimasho ee ay geysteen weeraradan ayaa waxaa wali ku socda tirakoob, sidda ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Tan iyo markii Muqdisho laga saarey sanadkii 2007-dii, qaraxyadda iyo dilalka qorsheysan ayaa waxay ahaayeen weerarada kaliya ee ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muranka SOMTURK: Kalluumeysiga oo saldhig u noqday danaha Turkiga ee Soomaaliya

Lix maalmood ka hor saxiixa heshiiska, 11-kii Diseembar, waxaa Soomaaliya….

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 02:36PM

Turkiga oo soo tarxiilay dhalinyaro Soomaali ah

Dhalinyarada Muqdisho lagu soo celiyay ayaa la sheegay inay isugu jiraan 25 wiil iyo 25 gabdhood, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

  • Soomaliya

    15-09-2026

  • 11:51AM