WARBIXIN: Afrikaanka Qurba-joogta ah ee aan Ishu Qaban

Image

Waxaa soo weriyey Abdulaziz Osman iyo Nicolas Pinault

Waxaa Tifaftiray Peter CobusIyadoo Yurub ay sii wado qaabilidda muhaajiriinta ku qulqulaya qaaradda, ayaa waxaa warbaahinta dunida qabsaday wararka ama sheekooyinka la xiriira qaxootiga ka soo qaxaya colaaddaha Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan. 

Laakiin sheekooyinka muhaajiriinta ka imanaya dalalka Saxaraha Africa ka hooseeya iyo qaxootiga colaadda gobolka ka soo cararaya – ayaanay u badnayn in caalamku uu maqlo – ilaa safaradoodu ay masiibo soo wajahdo mooyee. Qiyaastii 130,000 oo Afrikaan ah oo tahriibay 2015 oo kaliya, ayaa intooda badan waxay ka soo carareen hab la dhaqanka adag ee hay’addaha dowliga iyo saboolnimo gaamurtay – iyo waxay ugu yeereen saameynta marxaladihii gumeysigu ku reebay qaaradda Afrika. 

Xero KMG ah oo ku taalla magaalada Rome ayaa Moro Saneh oo ah 16 jir u dhashay Gambia wuxuu ka macneeyay sababta uu u soo tahriibay ” Waxaan doonaynaa inaan u noolaano sida bini’aadamka kale oo kale” Laga soo bilaabo dhulka fog ee Sahel, muhaajiriinta ka soo jeeda dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa labada khad ee ugu weyn ee ay isticmaallaan waxay iska galaan Libya, khad waa meel dhiiqo ah, dagaallo, sharci la’aan iyo burbur uu ka jiro, halka khadka kalena ay joogaan kooxo iska soo horjeeda oo tartan uu ka dhaxeeyo. 

Waana halka xasiloonidarrii dhalatay kadib kacdoonki Carabta, uu madaxweynihii la inqilaabay ee Mucamaral Qadaafi sadaal uu bixiyay ay u egtahay inay run noqonayso taasoo ahayd in ” Badda Mideterranean ay noqon doontaa bad fowdo ah” Baddahan furan ee ka horeeya iyo saxaraha bannaan ee ka danbeeyay, muhaajirinta Libya ku sugan waxaa la soo darsa go’aanka ugu adag safarkooda oo ah; inay isku biimeeyaan ka gudbidda hirarka isbad-badalaya ee badda oo galaaftay nolosha 3,771 muhaajiriin ah, iyagoo hunguriyaynaya xeebaha dhow ee koonfurta Talyaaniga. 

Laakiin xitaa kuwa nasiibka u hela inay gaaraan xeebaha, ayaa jannadii ay barwaaqadii ay filayeen waxay markiiba iskubadashaa cadaab. Sida muhaajiriinta kale ee Bariga Dhexe, dadka safraya ee mararka qaar aan wadan haysan, waxay baaqi ku yihiin xaalad muran u dhaxeeya dadka wax tahriibiya oo ka faaideysta dhibaatada muhaajiriinta, iyo dowladdo aan siinayn sharciyo ay dalalkaasi ku joogaan. 

Haddaba waa kuwan sheekooyinkoodu. 

Fariinta Tifaftiraha: Inkastoo kala duwanansho ay u dhaxeyso erayada muhaajir, qaxooti iyo magangalyo-doone, haddana ma awooddno inaan xaqiijino sugnaanshaha wareysiyada iyo macluumaadka ay bixiyeen dadka aan wareysanay, sidaasi darteed waxaan fududeynay mancnaha erayada.

HALKAAN KA AKRISO WARBIXINTA

Xigasho: VOA

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM