Warbixin: Golaha Wasiirada DF Soomaaliya oo ka Doodey Qaraxii Zoobe

Image

MUQDiSHO, Soomaaliya - Kulan Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya maalinimadii Khamiista 26 Oct, 2017 isugu yimaadeen kasoo uu shir gudoominayaey Ra'isal Wasaare ku xigeenka ayey kaga hadleen qaraxii ka dhacey isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaasoo ilaa iminka wax war ah dowlada Federaalka kasoo saarin baaritaano la sheegey in la sameeyey.

Kulankaan oo uusan goob joog aheyn Wasiirka Amniga ee xukuumada Ra'isal wasaare Khayre iyo Taliyaha ciidamada Nabad Sugida ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey, Goluhu waxaa uu walaac ka muujiyey dib u dhaca jira iyo sida bushadu uga warsugeyso halka ay marayaan baaritaanada lagu sameeyey sababta qaraxaan u dhacey iyo dadkii ka dambeeyey.

Wasiirka Amniga dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Abuukar Islow oo isagu shaqadaan laga sugayey warbixinteeda ayaa waxaa kamid yahay waftiga Ra'isal wasaaraha Soomaaliya u raacey dalka Turkiga. Islow ayaa kamid ah wasiirada aadka ugu dhow Ra'isal wasaare khayre ayaa isagu horey u sheegey inuu is-casilayo hadii amniga magaalo madaxda sida uu yahay hoos uga dhaco.

Qaraxii ka dhacey Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen dad gaaraya 400 qof ayaa dowlada Federaalka weli ka jawaabin su'aalo badan oo tagaan kuwasoo ay kamid yihiin; sababta gaarigan oo ka yimid degmada Afgooye u soo dhaafey dhamaan baraha Kontroolada marka laga reebo midda lagu joojiyey aan ka fogeyn isgoyzka Zoobe, sababta loo shaacin waayey dadka gaarigaan xamuulka damiinka ka ahaa islamrkaana milkiyadiisa lahaa; sababta hay'adaha amniga taxadar uga muujin waayeen gaariga xaamuulka madaama in muddo ah magaalada Muqdisho ay jireen warar sheegaya gaaro noocaas ah uu qaraxyo ka fulin doono.

Madaxda sare ee dowlada Federaalka oo inta baroordiiqdii iyo gurmadka dadkaan socdey shacabka u sheegey in talaabo falcelis ah ka qaadi doonaan weerarkaan islamarkaana natiijada baaritaanka dhacdadaan dadweynaha u soo gudbin doonaan ayaa kaga jawaabey safaro ay ku kala tageen wadamo ka tirsan Afrkada Barri iyo dalka Turkiga.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu fasirey inuu la xiriiro arinta qaraxa zoobe madaama uu la kulmay madaxda wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaan soo noqoshadiisa shacabka u sheegin natiijada kulamdii uu la qaatey hogaamiyaasha dhigiisa ah.

Dhinaca kale Ra'isal wasaare Khayre ayaa wararku sheegayaan in safarka uu ku tagey dalka Turkiga ahaa mid horey u qorsheysnaa kaasoo baaqdey markii qaraxa dadka badan ku hoobteen ka dhacey magaalada Muqdisho.

Khayre oo markii uu ku sugnaa wadanka Mareykanaka casumaad ka heley madaxweynaha dalka Turkiga ayaa warar kale waxay sheegayaan in heshiisyo Madaxweyne Farmaajo uusan saxiixin mar uu wadankaas booqasho ku tagey laga yaabo inuu qalinka ku soo duugo kuwasoo uu kamid yahay mid Kaluumeysi.

Dalka Turkiga ayaa raadinaya in heshiis la siinayo Kaluunka Soomaaliya la galo dowlada Federaalka kasoo qorshihiisu muddo socdey balse Madaxweyne Xasan Shiikh uusan saxiixin madaama uu ku jirey wakhtigaas ololaha doorashada.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidmada Nabad Sugida Soomaaliya ( NISA) ayaa qoraal uu ku qorey Jariidada New York Times Halka ka akhri ka dayriyey xaalada amni sugida daka isaga oo sheegey in hay'adaha amniga dalku gabi ahaan, hadii laga eego dhinaca xogta, baarista, qalabka, tababarada, aysan u diyaarsaneyn la dagaalanka kooxaha argaggixida ah.

Qoraalkaan ayaa iftiiminayey heerka ay leegtahay awoodda dowlada Federaalka kula dagaalami karto kooxda Al-shabaab iyo tageero la'aanta beesha caalamka sida aysan daacad uga aheyn in dib loo dhso hay'adaha amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM