Warbixin: ICG oo ka hadashay khilaafka DF iyo maamulada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda xasaradaha adduunka ee marka la soo gaabiyo la yiraahdo (ICG), ayaa soo saartay 20-ka bishan warbixin cusub, oo ay kaga hadlayso xaaladda dalka Soomaaliya.

Warbixinta oo ku qoran Luuqada Ingriiska, ayaa waxay ICG diirada ku saartay qodobada hoos kuu xusan

1 - Qaraxii Zoobe, Oct 14.

2 - La-wareegista Al shabaab deegaano ku dhaw Muqdisho

3- Iska-hor-imaadka ciidamada dowladda gudahooda dhexmara

4 - Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe,

5 - Waxyaabaha looga baahan yahay in dowladda ay siiso Mudnaanta kowaad.

Qaraxii Zoobe

Qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii bishan, oo ay ku geeriyootay in ka badan 358 qof wuxuu noqday midkii ugu dhimashada badnaa oo Taarikhdan Soomaaliya soo mara, waxaana uu bedelay dareenka shacabka.

ICG waxay sheegtay in dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda beesha caalamka looga baahan yahay inay labo jibaaraan dedaallada lagu midaynayo shacabka iyo in la xoojiyo awoodda Hay'adaha amniga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kala qeybsanaanta shacabka iyo taag-darrida ciidamada ay siisay Al shabaab fursad weyn ay ku fuliso weeraradeeda argagaxiso.

La-wareegista Al shabaab deegaano ku dhaw Muqdisho

Al Shabaab waxay dhawaan la wareegtay deegaanno muhiim ah, oo ku dhaw Muqdisho, oo uu kamid yahay Bariire, oo katirsan gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo qiyaatsii 45KM u jira Caasimadda.

ICG waxay sheegtay in la wareegista deegaanada ay sabab u tahay mushaar la'aanta ciidamada qalabka sida, oo mudo 3 bilood aysan ka helin dowladda Federaalka Soomaaliya wax lacag ah.

Warbixinta ayaa lagu xusay in aysan suurta-gal noqon doonin in laga hortago qaraxayada iyo weerarada ka dhacaya Muqdisho, iyadoo deegaanada ku dhaw caasimada ay Al shabaab haysato.

Al shabaab waxay ka faa'idaysataa carada dadka dhibaatooyinka kala kulma ciidamada dowladda iyo kuwa taageera ee AMISOM iyo Mareykanka  xilliga ay samayanayaan howlgallada la-dagaalanka argagaxisada.

Tusaale, Gaarigii TM-ka ee ku qarxay Zoobe waxaa waday Nin horey uga tirsanaa Ciidanka dowladda, oo uu aargudayay eheladiisa lagu dilay weerarkii Bariire ka fuliyeen Ciidamada DFS iyo kuwa Mareykanka.

Musuq-maasuqa ayaa kamid ah waxyaabaha keenay amni darada. Soomaaliya waxay kaalinta kowaad ka gashay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida ku xisan warbixin ay soo saartay Transparency International.

Iska-hor-imaadka ciidamada dowladda gudahooda dhexmara

Dagaalka dhexmara ciidamada kawada tirsan dowladda waxay niyad jebinaysaa ciidamada qaranka iyo sidoo kale wiiqaysaa isku-xirnaantooda, waxaana horseedaysaa inay ku guul-dareestaan sugida amniga dalka.

Iska-hor-imaadkii Ciidamada Xalisinta iyo kuwa Militariga ku dhex-maray Muqdisho bishii September waxay tusaale u tahay inuu qabiil ka dhex-jiro ciidanka gudahiisa, islamarkaana lagu tartamayo ilaha dhaqaale ee Muqdisho.

Arrimahan ayaa sabab u noqday Iscasilaadii Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, oo todobaad kahor isaga tagay shaqada, iyagoo go'aankaasi ku sheegay arrimo shaqsiyadeed.

Amniga Muqdisho ayaa ka soo reynayay bilihii lasoo dhaafay ee sanadkan 2017, marka loo eego 2016, kadib markii ay ciidamada Xasilinta sameeyeen dedaal xooggan iyagoo kahor tagay dhowr qarax.

Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe

Khilaafka sii xoogaysanaya, ee Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka wuxuu saameeyay amniga, maadaama ay meesha ka baxaday wadashaqeyntii iyo isku xirnaantii dhinacyada.

Khilaafka wadamada Khilaafka ayaa sii xoojiyay kala qeybsanaanta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamullada, oo qaar kamid ah taageeray Sacuudiga iyo Xulufadiisa, iyagoo xiriirka u jaray Qadar.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hormariyay oo sare u qaadey xiriirkii kala dhaxeeyay dowlad goboleedyada, kadib markii Dowladda Federaalka go'aan dhex-dhexaad ah ka qaadatay Xisadaha Khaliijka, oo diiday inay xiriirka u jarto Qadar.

Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa joojiyay taageeradii dhaqaale ee dowladda Federaalka Soomaaliya, taasina waxay keentay in Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayra bixin waydo mushaharka ciidamada iyo dhaqaalaheeda.

Bishan October, Sacuudiga ayaa balan qaadey inay siinayso dowladda Federaalka 50 Milyan oo Doolar, , kadib markii uu ka codsaday Madaxweyne Farmaajo Boqor Salman, balse ma noqon doonto mid joogto ah.

Laakiin, Qadar iyo Turkey ayaa hadda ah kuwa aad ugu sii dhawaanaya dowladda Federaalka, oo noqday dowladaha ugu weyn ee dhanka dhaqaalaha ka taageera.

Waxyaabaha looga baahan yahay in dowladda ay siiso Mudnaanta kowaad

Todobaadyada soo socda waxay Madaxweyne Farmaajo u yihiin fursado dahabi ah, oo haddii si fiican uga faa'idaysato u horseedi karta inay ku guuleysato caqabada horyaalla oo ay kamid yihiin kala qeybsanaan bulshada ka dhex-jirta.

Dibadbaxyadii looga soo horjeeday qaraxii Zoobe waxay ahaayeen ifafaalle wanaagsan, oo muujinaya inay shacabka midoobeen, sidaasi darteed dowladda looga baahan yahay inay ka faa'idaysato fursadan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladdiisa heshay taageero shacab, oo kaga adkaan karto Al shabaab iyo dadka kale ee kasoo horjeeda waa hadii la helo isku-dabarid wanaagsan oo dhanka bulshada ah.

Fursadahan waxaa barbar socda caqabado kale, oo uga imaadaya dowladda Federaalka dhanka maamul goboleedyada, oo la sheegay inay Xaaladda jirta ee amni xumada ah ka faa'idaysanayaan, oo hadafkoodu yahay inay ridaan Madaxweyne Farmaajo.

Todobaadyo kahor inta uusan dhicin qaraxii Zoobe, waxaa jiray qorshooyin ay madaxda maamul goboleedyada ku doonayeen inay Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka dhex-diyaariyaan Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo xilka looga tuurayo Mudane Farmaajo.

Bishii October, waxay hogaamiyaasha dowlad goboleedyada ku qabsadeen Kismaayo shir ay ugu dhawaaqeen Golle Iskaashi, iyagoo sidoo kale soo saarey War-murtiyeed lidi ku ah dowladda Federaalka.

Xudunta Khilaafka dowlada Dhexe iyo maamulla Federaalka waa arrimaha dastuurka, qeybsiga Kheyraadka dalka, iyo dhanka awooda, oo maamullada doonayaan in lagala tashado heshiisyada caalamiga ay dowladda galayso.

Dowladda Dhexe waxaa looga baahan yahay inay xaliso cabashooyinka maamullada xubnaha ka ah Federaalka, si loo helo midnimo iyo wadashaqeyn wanaagsan, oo wax looga qaban karo dhibaatooyinka haysta dalka, oo amniga ugu horeeyo.


XUQUUQDA TARJUMAADA WARBIXINTAN GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM