Warbixin ku saabsan Musuq-maasuqa Somalia oo loo gudbiyay EU [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Ururka ay ku midaysan yihiin Soomaalida ku nool Qaaradda Yurub [European Somalia Association], Aqoonyahan Maxamed Caalim ayaa shaaca ka qaadey inay Baarlamaanka EU-da u gudbiyeen warbixin la xiriirta la dagaalanka musuq-maasuqa oo ay dowladdu haatan wado.

Xafiisyadda dowladda, gaar ahaan kuwa madaxda ugu sareeya dalka ayuu sidoo kale ku nuux-nuux sadey inay gaarsiiyeen warbixintooda, taasi oo uu sheegay inay ku dalbanayaa in laga qayb-geliyo dadaalada dalka looga ciribtirayo musuq-maasuqa.

"Musuq-maasuqa waa uu noocyo badan yahay, wuxuu noqon karaa xilka oo la isku shaqaaleysiiyo si xaq-darra ah, wuxuu noqon karaa canshuurtii bulshada laga aruuriyay oo si qaldan loo isticmaalo, wuxuu noqon karaa Khayraadkii wadanka oo shirkaddo been ah si bililiqo ah ku qaataan, musuq-maasuqa wuxu noqon karaa in xil la iibsado, in kursi la gato," ayuu yiri Caalim.

Aqoonyahan Caalim, oo wareysi siiyay Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa ku tilmaamay warqadda ay u direen Midowga Yurub mid dalab ah oo ay kaga codsanayaan beesha caalamka in dadka ka madax-banaan hay'adaha dowladda Soomaaliya lagu soo dhaweeyo la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ciribtirkiisa.

Mar wax laga waydiiyay waxyaabaha ay ku dhaliilayaan qaabka ay u wado Xukuumadda Khayre la dagaalanka musuq-maasuqa, ayuu ku jawaabey in aysan jirin barnaamij daah-furan, oo shacabka Soomaaliyeed ay la socdaan.

"Xukuumadda ma sheegeyso Shaqaalaha ka shaqeeya dowladda intay tiradoodu tahay, mushaarka ay qaataan, Xukuumadda ma sheegeyso shirkadaha wadanka degan heshiisyada ay la gashay, ee percentage-ka ay dowladda ka qaadato, Xukuumadda ma sheegeyso maamul goboleedyada lacagta la siiso, maamul goboleedyada ma sheegayaan gobolladooda dhaqaalaha soo gala iyo mushaarka shaqaalahooda ay siiyaan iyo canshuuraha ay qaadaan," ayuu yiri Caalim.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu balanqaadey inay diyaar u yihiin inay dowladdu ka saacidaan wax kasta oo u sahlaya in si deg deg ah dalka looga baabiyo musuq-maasuqa oo tobbankii sano ee lasoo dhaafey Soomaaliya ka dhigay dunida maqaam hoose.

"Inaga Yurub uma imaanin inaan shaqaysano. Waxaan dooneynaa inaan noqono muwaadiniin wanaagsan. Waxaan diyaar u nahay inaan waqti iyo lacag ku bixino si dalka looga ciribtiro musuq-maasuqa," ayuu hadalkiisa kusii darey Gudoomiyaha.

Wuxuu ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay sameyso gollaha la dagaalanka musuq-maasuqa, oo xubno laga siiyay Ururada ka badax-banaan dowladda, sida Aqoonyahanada, Odayaasha, maamul goboleedyada iyo Ururka bulshada.

Mar la su'aalay Caalim sababta ay xilligaan ugu soo beegeen ayuu ku sharaxay inay u arkeen in la gaarey waqtiga ugu munaasabsan in la helo dad ka madaxbannaan xukuumadda Federaalka oo qeyb ka noqda ciribtirka musuqa ka jira Soomaaliya.

Gabagabadii, Danjire Caalim ayaa rajo fiican ka muujiyey in Baarlamaanka Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya ay ku ganaciyaan inay qayb ka noqdaan dadaalada la dagaalanka musuq-maasuqa dalka ka jira, kaasi oo haatan si xowli ah uga socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM