Warbixin: Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Somaliland oo doorashada qaadacay

Image

MUQDISHU, Somalia- Siyaasiyiinta iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay ka horyimaadeen ka qayb galka doorashada labada Aqalka ee Barlamanka Somalia, kadib kulan ay ku yeesheen 08 October, 2016 magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Xubnahan oo isugu jiray, duub dhaqameed, wasiirro iyo Xildhibaano katirsanaa xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, ayaa cadaalad darro ku tilmaamay habka loo qaybiyay kuraasta labada Aqal, waxayna sheegeen in arrintan wax u dhimayso qorshihii lagu raadinayay in dib loo mideeyo Somalia.

Ibrahim Saleebaan oo kamid ah Barlamanka waqtigiisu dhammaaday, ayaa warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeed kasoo baxay kulankooda, wuxuuna sheegay in xubnaha isku raaceen inaysan wax musharrax ah u xulayn Barlamanka Somalia isagoo cuskanaya sababahan;

·        Madaxda madasha ma muujin cadaalad ku salaysan maqnaanshaha Somaliland

·        Saamiga loo qoondeeyay oo ka kooban 11 xubnood ma ahan mid la fahmi karo

Saleebaan, ayaa xusay inaysan Wakiil ka ahayn maamulka Hargaysa, balse u yihiin xarig u taagan isku haynta mabda'a lagu doonayo in la helo Somali-weyn.

Wuxuu xusay qaabka loo qaybiyay kuraasta labada Aqal iyo qorshayaasha socda kuwo kala fogaynaya dadaallada iyo wadahadalka lagu doonayo in dalka lagu mideeyo.

Suldaan Caydaruus Suldaan Saalax oo kamid ah dhuubabka dhaqanka ee kasoo jeeda Somaliland ayaa sheegay inaysan wadin qorshe hareer marsan wanaaga, balse ay Somali-weyn u sheegayaan in wax socda ka hor imaanayaa dadaalka ay u joogaan magaalada Muqdishu, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay isha ku hayaan arrimaha taagan.

Go'aankan ayaa lamid noqonaya Labo baaq oo horay uga soo baxay siyaasiyiinta ku sugan Muqdishu ee kasoo jeeda maamulka Somaliland, balse wuxuu kani soo if-baxay xilli maamullada dalka Somalia soo gudbiyeen xubnahooda u matalaya Aqalka Sare marka laga reebo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA DADBAN OO KA HADLAY:

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee ka dhacaya dalka Somalia, ayaa ku baaqay in wax laga qabto cabashada soo noq-noqotay ee ka imaanaysa siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeeda.

Guddoomiyaha Guddigan Cumar Maxamud Dhagay, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in loo baahanyahay tixgalin gooni ah oo loo sameeyo dadka cabanaya, wuxuuna madaxda madasha ugu baaqay in deg deg wax looga qabto xaaladdan.

Dhinaca kale, Marwo Fowziyo Xaaji Aadan oo soo noqotay wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia islamarkaana haatan ah mudane katirsan Barlamanka waqtigiisu dhammaada, aadna ugu dhow mudane Xasan Sheekh, ayaa VOA u sheegtay inaysan ka qayb galayn doorashada dadban ee dalka Somalia.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay ka shaqaynayaan madaxda waqtigu ka dhammaaday ee wali joogta xafiiska, waxaana sida ay sheegayso xogo lagu kalsoonyahay qorshahan lagu doonayaa in la carqaladeeyo dhismaha Aqalka Sare si ay u helaan muddo kororsi iyo dib u dhac lagu sameeyo waqtiga doorashada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM