Wariye lagu dilay duleedka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan ayaa wariye da'yar ku dishay Habeenkii Sabtida [27-ka October] degaanka Ceelasha Biyaha, ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mire Xaashi, ayaa waxa uu ka howlgali jiray Idaacad maxali ah, oo lagu magacaabo Daarul Sunna, oo laga dhageysto Ceelaha Biyaha iyo nawaaxigeeda.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in wariyaha lagu dilay meel ku dhaw goobtiisa shaqada fiidnimadii sabtida, iyadoo kuwa falkan naxdinta leh fuliyay si nabad ah goobta uga baxsaday.

Degaanka Ceelaha Biyaha oo dhaca wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa gacanta ku haysa maamulkiisa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo AMISOM ay saldhig ku leedahay.

Lama oga sababta loo dilay suxufiga iyo cida dishy midna, balse waxa ay dhacdadan qeyb ka tahay dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee dadka ka shaqeeya warbaahinta loogu geysto Soomaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM