Wasaarada Caafimaadka oo "laga afduubtay" shaqooyinkeeda Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Si ka duwan dowladaha kale ee caalamka, Soomaaliya ololaha lagula dagaalamayo safmarka halista badan ee Coronavirus waxaa hor-boodaya "xafiisyo aan shaqo ku lahayn qadiyada taagan".

Wasaaradda Caafimaadka federaalka oo ay ahayd in ay hogaamiso gulufka looga gaashaamanayo faafitaanka xanuunka dilaaga ah ayaa laga afduubay awooda, iyadoo qiil laga dhiganayo "tuhun la xiriira musuqmaasuq".

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa xabsi loo taxaabay iyaddoo lagu eedeeyay wax-is-dabamarin, balse ma cadda hadii maxkamad lasoo tagaay si lamid ah ma jirto meel lagu soo bandhigay eeda loo haysto.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha, Xasan Cali Khayre, ayaa gebi ahaanba maroor-saday dhamaan shaqooyinka ku aadan Covid-19, iyadoo ay soo baxayaan eedeymo musuqmaasuq iyo mashruuc ku raadin ka hortaga Corona.

Bogaga Baraha bulshadda ee Wasaarada Caafimaadka oo ahayd in ay noqdaan isha koowaad ee laga helo xogta guud ahaan waddanka ee caabuqa ayaa noqdey kuwa fadhiid, waxaana la sameeyay ciwaano kale.

Ciwaanada dhowaan la sameeyay waxaa kamid ah Somalia Covid-19, halkaas oo lagu faafiyo xogta Corona kahor inta aan lasoo dhigin bogaga Wasaaradda. Si lamid ah, xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lamida.

Illaa iyo haatan, lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhamaan talaabooyinkaan oo ay su'aal geliyeen siyaasiyiinta. Qaarkood waxay ku sifeeyay "faragelin lagu sameynayo shaqo ay leedahay Wasaarad".

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in qeybta warbaahinta xafiiska wasiirka koowaad ay qaar kamid ah warbaahinta gudaha dalka la galeen heshiisyo ku baahinayaan wacyi-gelinta "iyagoo mashruuc ku raadinaya".

Mashruucaas oo ay sidoo kale gacmaha kula jiraan hay'addo NGO-yo ah ayaa lagu bixinayaa dhaqaale, sidda ay xogta muujineyso.

Soomaaliya, oo laga helay 528 kiis oo ah Covid-19 ahna dal ay soo kabasho ku jirto dowlanimadiisa, ayaa xilliyadda ay dhacaan Musiibooyinka waxaa soo baxa shaqsiyaad isku daya in ay ka macaashaan sidda hada muuqata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM